Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo shacbi weynaha reer Hargeysa salaadii ciida la oogay, ayaa isaga oo ku hadlaya magiciisa iyo ka bahda Garsoorka JSL, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacbiga Somaliland, farxada maalinta Ciidal Fidriga awgeed. Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga u rajeeyay farxad, caafimaad iyo bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan Ilaahayna nabadda iyo badhaadhaha u siyaadiyo, raxmaadka roobka ee innoo curtayna Ilaahay innooga yeelo mid khayr qaba oo dad iyo dalba inna maansheeya.

Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku booriyay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wanaaga iyo is-cafiska, waxaanu Ilaahay uga baryay in sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Alla mahad leh