DHAMBAAL TACSI AH: 14/07/2022
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magiciisa iyo ka bahda Garsoorka JSL, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuun Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiiray(Sh. Aadan Siiro), oo caawa ku geeriyooday dalka Hinidya.
Sheekhu waxa uu kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka, waxaanu door weyn kasoo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka, waxaanu in badan caawin jiray dadka jilicda san.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin Aamiin.