Guddoomiyaha SONSAF oo Sheegay in Isafgaradka Xisbiyadu Somaliland u Jihaynayaan Hirgelinta Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Dallada Ururrada bulshada rayidka ah èe SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa soo dhaweeyay kulamada maalmihii la soo dhaafay ay yeelanayeen xisbiyada Somaliland.

Guddoomiye Anwar wuxuu tilmaamay in kulamadaasi àhaayeen qaar loo baahnaa oo dalka u jihaynaya doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasada ee muddatsan 1eka November ee dabo-yaaqada sannadkan 2024.

Guddoomiyaha SONSAF wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo uu ku baahiyay degelka Facebook. Waxaannu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Kulamadda iyo isafgaradka ee ay maalmihii u dambeeyay ay wada gaadheen Xisbiyadda Siyaasadda Qaranku waa mid ka turjumaya maslaxadda ummada islamarkaana lagu salleeyay xaqiiqooyinka iyo duruufaha maanta ka jira Somaliland, waana tallaabo muhiim ah oo ugu dambayn dalka u jihaynaysa doorashooyin qabsooma wakhtigii la muddeeyay.

Waxa aan markale ku hambalyaynayaa Xisbiyadda Qaranku in ay muujiyeen waddaniyad iyo tudhaale, iyaga oo markale hoosta ka xariiqay in dariiqa kaliya ee ay Somaliland hore ugu sii socon kartaa uu yahay wada-hadal, isdhagaysi, isqancin iyo isu garaabid.

Waxa aan rajeeyanayaa in la dhamaystiro imkaaniyadkii Doorashooyinka, si dalku uga gudbo muranka doorashooyinka ee muddada dheer soo jiitamayay.”