Writen by Qaran News |

 Gudoomiyaha Waddani oo war cusub ka soo saaray Qaraarkii Maxkamada Sare ka soo saartay Murankai Xeer.14

 
Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo.
Nuxurka Qaraarka Maxakamadda:
1. Dacwaddii 46ka xildhibaan way laashay.
2. Waxay ayidday xeerkii dhaqangalka ahaa.
Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.
Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hirsi Ali Hassan