Laascaanood waxaa ka dhacay ayaandarro weyn, waxaanay ka turjumaysaa siyaasad-xumada xukuumadda, taas oo keentay in shacabkii iyo ciidamadii qaranka la iska hor keeno.
Xisbiga Waddani wuxuu ka soo horjeedaa in shacabka xabbad nool loo adeegsado. Dilkii Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) iyada oo aan cid loo qaban, in lagu sii daro geeri iyo dhaawac kale waa guuldarro Somaliland u soo hoyatay.
Waannu cambaaraynaynnaa dhacdadaa foosha xun. Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatay, inta dhaawaca ahna Alle ha u sahlo, waxaanan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada dadkaa dhibaatadu soo gaadhay “.
W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
May be an image of 1 person and sitting