



Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Suldaanka beesha Yeesif (Habar-jeclo) Suldaan Ismaaciil Cabdi Jiir iyo Cheif Caaqil Cabdirisaaq Cheif Caaqil Caydiid Cabdillaahi Xiiray oo maanta Salaan ugu yimi.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen dhammaan Xubnaha Hoggqanka – Guddoomiye ku-xigeennada 1aad Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, 2aad Md. Axmed Cabdi Xuseen, 3aad Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, 4aad Md. Maxamuud Xasan sacad Saajin iyo Xoghayaha Guud Faysal Cabdiraxmaan, waxay ku hambalyeeyeen Suldaan Ismaaciil xilka dhaqan ee dhawaan loo caleemo-saaray, waxaanay Alle uga baryeen inuu xilkaa u fududeeyo.
Waxa kaloo kulankaa qayb ka ahaa masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin; Wasiirkii hore ee Caafimaadka Md. Xasan Maxamed Gaafaadhi, Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Md. Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), Maayarkii hore ee Burco Md. Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac, siyaasi Dr. Axmed Saleebaan Jaamac (Dr. Shiine), siyaasi Mustafe Maxamed Kelli iyo xubno kale.





