Hargeysa(Qa)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Jabuuti ka hadlay .
Guddoomiye xisbiga Ucid-Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo qoddobada ka soo baxay shirkaas oo uu xusay in yihiin kuwii hore loo gaadhay oo u baahan in la fuliyo.
Sidoo kale Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay inuu bogaadinayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhiiraday inuu dib loo bilaabo wada hadalladii labadii dal ee 1960kii midoobay.
Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in Muuse looga baahan yahay inuu doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururrada ku qabto xiligii loogu talogalay isla markaana uu difaaca dalka iyo ceebtii uu dalka soo gaadhsiiyay iska maydho oo uu soohdimaha Somaliland sugo oo uu ka durkiyo cadowga.
Guddoomiyaha UCID wuxuu munaasibadda sannadka cusub darteed bogaadiyay ciidamada Qaranka oo uu ku sifeeyay geesiyaasha lagu hurdo.