Sida aan buuggayga Miyiga ilaa Madaxtooyada hore ugu tilmaamay, “Noloshu waa dugsi, qofkuna waa arday, dhalashada ilaa dhimashada.” Casharrada nolosha ayay ka mid yihiin go’aamo qadhaadh oo maalmo adag aad qaadato iyo go’aamo aad qaadato kol wakhtigu kula jiro oo aad waxyaalo wanaagsan kala dooranayso.
Maanta oo kale, 26, October, 2015 waxa ay ii ahayd maalin aan qaatay go’aan adag oo aan ka fadhiistay shaqadii xukuumaddayda oo aan halbowle u ahaa. Ma ay hawl yaryn in aan waddo cusub qaado oo aan saaxiibbadaydii in badan oo ka mid ah iyo Macallinkaygii siyaasadda (Madaxweyne Siilaanyo) macasalaameeyo.
Inkasto oo in badan oo bulshada ka mid ahi aanay garwaaqsanayn sababtii aan uga tegay shaqada ama aanay ila arkayn wixii aan markaa arkayay oo ahaa hoggaaminta taban iyo sharciga lagu tumanayo ee maanta taagan, waa se Alle mahaddii, in aannu maanta dadkii isasa soo wada gaadhnay.
Wixii aan ka bartay waayihii nolosha, wakhtigaas ilaa maanta, oo aad u faa’iido badnaa, waxa ii raaca horumarka aan ku tallaabsaday ee arrimaha bulsho, siyaasadeed, waxbarsho, qoraal iyo inaan wakhti u helay ehelkayga qaaliga ah iyo sidoo kale, saaxiibbadii guga iyo saaxiibbadii jiilaalka oo si weyn u kala muuqday. Haddii aadan mustaqbalka saadaalin karin, una sahan tegin dadka aad hoggaaminayso, ha luggoynin isma dhaantaan cidda wax ku biddaye.
Haddaba, waxa aan aammisanahay inaan go’aankaygii maalintaa aan ku guulaystay, waxa aanan kula talinayaa inta ku xidhan boggaygan ama qoraalkaygani si uun u gaadho caqabad kasta oo nololeed waxa lagaga gudbi karaa go’aan adag.
Ha is dhiibin si kasta oo aad u gaadhi weydo waxa aad doonayso ama wakhtigu uu kaa hiiliyo. Dedaal, niyadsamow, cabsida Ilaahayna kaalmayso oo ku sabir wixii Ilaahay kuu qaddero.
Guddoomiye Xirsi.