Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo dul-istaagey Xaflad Qaran oo Xukumadda Muuse Biixi isku koobtay

Waxa aan ka xumahay in xukuumadda hadda talada haysaa ay Jaamacadda (Hargeysa) iyo maamulkeeda culays ku saartay in aan xafladda qalinjebinta lagu casuumin asxaabta mucaaradka ah.
Waa tallaabo muujinaysa taagdarrida iyo baqaha ay xukuumaddu ka baqayso fagaarayaashaa la isugu yimaaddo. Waa xilkasnnimo-darro baaxad leh.
1,400 oo arday oo qalin-beddelanaya in aan haba yaraatee wax rejo ah Madaxweynuhu u sheegin ayaa masiibo kale ah. Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu ardayda ku canaantay inaanay daraasayn sababta marka doorashooyinku soo dhawaadaan khilaafku dalka ugu aloosmo iyo in Jaamacaduhu aanay xalka ka qayb qaadan, hase yeeshee hadalkaas waxaan u arkaa mid daw-darro ah, in Madaxwaynuhu khilaafka abuuro xalkana uu Jaamacadaha ka daydayaa! Waa hogseeggii aynnu uga barannay.
Run ahaantii, madal noocaas oo kale ahi umay baahnayn khubad gole-ka-fuul ah oo aan sinnaba u taabanayn qorshe qaran iyo aayaha ardayda loo fooladaynayo toonna.”
Xirsi Cali X Xasan, Guddoomiyaha xisbiga Waddani.