Gudoomiyaha gudiga beelaha Garxajis ayaa caawa ciidamo dharcad ah iyo baabuur Boolis ahi ay ka qabteen meel aan ka fogayn afaafka aqalkiisa xiligaasi oo uu dhigay gaadhigii uu watay isla markaasina uu damacsanaa in uu galo aqalkiisa.

Suldaan Cadde guide oo ah gudoomiyaha gudiga beelaha Garxajis oo lagu soo doorway shirkii Gacanlibaax ayaa caawa xukuumadda Muuse Biixi ka kaxaysatay afaafka hore ee aqalkiisa xagaasi oo ay ku sii sugayeen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee suldaanka caawa xoriyadiisa looga qaaday sidoo kale lama garanaayo ciidanka dharcada ah ee la socday gaadhiga booliska ee caawa xoriyadiisa ka qaaday suldaan Cade gude

Ilaa hada xukuumadda Muuse Biix kama ay hadal xadhiga birmagydada lagula kacay iyo waxa sababay toona.