Guriga Farmaajo+Waa kuwee afarta nin ee hogaaminaya ololaha Mahadsanid Madaxweyne?

Farmaajo
Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hadda ku nool guri ku yaalla Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada u haystay olole la sheegay in guri loogu dhisayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Ololahan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa dadka wada waxa ay ku tilmaameen mid Farmaajo loogu mahadcelinayo, maadaama uu “si wanaagsan u ilaaliyay amaanadda qaranka.”

Dadka dhaliilsan ayaa ku tilmaamay mid ujeedo siyaasadeed laga leeyahay, isla markaana aan habooneyn in xilligan oo abaar xooggan ay dalka ka jirto shacabka lagu mashquuliyo hawl noocaas ah.

Hadaba waa kuwee afarta nin ee hogaaminaya ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo?

Maxamed Cabdullahi Ciise

Maxamed Cabdullahi Ciise

Waxa uu ahaa agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya markii doorashada looga adkaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xilkaas ayaa loo magacaabay dabayaaqadii bishii November 2021, kadib markii Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa agaasimihii xilkaa hayay loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Sanadihii u dambeeyay, Maxamed waxa uu ahaa nin aad u taageersan Farmaajo, waana ninkii codadka u tirinayay doorashada madaxtinnimada ee dhacday 15-kii May.

Maxamed ayaa mar ahaa guddomiyaha urur la baxay midnimo doonka Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo xaruntiisu tahay Muqdisho.

Hadda waa gudoomiyaha ololaha guriga loogu dhisayo Madaxweynihii hore.

Cabdirashiid Duqa
Afhayeenkii hore ee Villa Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi

Waa afhayeenkii hore ee Villa Soomaaliya, waxaana xilkaas loo magacaabay bishii September 2020 kadib markii uu banneeyay Cabdinuur Maxamed Cali oo uga hoorreeyay.

Waraysi uu todobaadkii tegay Cabdirashiid siiyay BBC Soomaali ayuu ku sheegay in qorshaha guriga uu kamid shacabka taageersan Madaxweynaha hore, isla markaana uu oggolaaday Farmaajo.

Waxa uu muddo ku noolaa waddanka Canada oo uu ku soo qaatay qeyb kamid ah waxbarashadiisa.

Hadda waa afhayeenka ololaha guriga lagu dhisayo.

Cali Yare

Cali Cabdi Wardhere (Cali Yare)

Waa guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir u qaabilsan amniga iyo siyaasadda.

Waxay sanado badan saaxiibbo dhaw ahaayeen Farmaajo, oo uu kamid ahaa ragga aadka ugu dhaw tan iyo markii uu billaabay ololihii uu Villa Somalia ku hantay February 2017.

Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa waxa uu ku leeyahay taageerayaal badan oo uu la wadaago xogta ololaha guriga iyo weliba dadka dhaqaalaha ku taageeray.

Cabdi Xisri

Cabdirisaaq Xirsi

Waa wadaad ku nool dalka Canada, oo si weyn baraha bulshada uga difaaca dowladdii uu madaxda u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Markii uu Farmaajo xilka hayay, waxa uu Sheekh Cabdi Xirsi sameyn jiray fallanqeyn toos ah oo mararka qaar ay marti ugu yihiin siyaasiyiin caan ah iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Waxa uu bartiisa Twitter ku sheegay in isaga uu lacagtii ugu horreysay ku diray koontada loo furay dhisidda guriga loogu talo-galay Farmaajo.