Writen by Qaran News |

Ha la saxo Boobkii hantida ummadda iyo Musuqii Dawladii Siilaanyo dalka kaga tagtay- Bal ufiirsada shaxdan hoose. qalinkii A/rahman Fidhinle UK

Cilmi baadhis qoto dheer ka dib waxaa laysku wada raacay in Xukuumadii Siilaanyo dalka kaga tagtay musuq- maasuq baahay, khal-khal iyo khaladaad badan oo keentay sadbursi iyo kala sareyn dhaqaale maadaama ilihii dhaqaalaha ee  dalka iyo hantidii maguuraanka aheyd ee dalka ay gacanta u sii gelisay  dad gaar ah. Boowe! bal ufiirso qodobadan hoose ee wada runta ah
A) Mashaariicdii horumarineed, Deeqihii iyo kaalmooyinkii Caalam ku bixiyey oo la kala bursaday:
 Tusaale :  is bar-bar dhig ( Gabiley V Togdheer )
  Gobolka Gabiley:  
1- Degmooyinka gobolku waa 6 Degmo: Wajaale, Arabsiiyo, Allaybaday, Agabar, iyo Geed-balaadh
2-Miisaaniyada dawladaha hoose ee Gebiley waa  15 Billion oo Somaliland shilin ah
3-Dhaamamka ama baliyada laga qoday 7-dii sanadood ee kulmiye dalka hagaayey waa 166 dhaam
4-Ceelasha gaa gaaban ee la qoday mudadii kulmiye xukunka hayey waa 170 ceel
5- Ceesha dhaadheer ee Riiga lagu qoday waa 13 ceel
6- Tirade dadka iska diiwaan geliyey Gebiley waa 64143 qof
7- Tirada boqoleyda ee shacabka gobolka Gebiley biyo nadiifa helaa waa 48%
    Gobolka Togdheer
1-  Degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay  waa ilaa iyo 15 degmo
2- Miisaaniyada dawladaha hoose ee gobolka 24 Billion oo shillinka Somaliland ah
3- Dhaamanka iyo baliyada laga qoday Gobolka 7-dii sanadood ee kulmiye dalka hagaayey  waa 90
4- Ceelasha gaagaaban ee gobolka laga qoday 111 ceel
5- Ceelasha dhaadheer ee Riiga lagu qoday 10 ceel oo laba jabeen oo aanay hada shaqeyn
9- Tirada guud ee shacabka Gobolka iska diiwaan gelisay waa 139,566 qof
10-Tirada boqoleyda ee shacabka biyo nadiif hela waxaa  lagu qiyaasaa 37%
Is barbar dhigan laba Gobol ee midi cusub yahay waxay markhaati ka yihiin xaq-soor la’aanta dhinaca waxqabad 7-dii Sanadood ee la soo dhaafay sida Gobolada dalka laysu dhaafiyey,Taas oo keentay in Gobolada qaar  Adeegyada aas-aasiga ah iyo bulshadu isu dhawaadaan qaarna ay aad ukala fo’gaadaan, maadaama aan sife cadaalad ah midhihii dawladnimo loogu qaybin.
 
 B)  Qandaraasyadii Kheyraadkii maguuraanka ee dalka sida Macdanta iyo Shidaalka  oo weecsin , beegsin iyo gacan-wadaag  wada noqday.
Xukuumadii Siilaanyo waxay  ku caan baxday mudadii ay dalka ka talinaysay  Heshiisyo qarsoon oo ku saleysan  ( Clan politics ) gacan wadaag iyo qaado aan qaatee sida kuwan hoose : Waxay heshiis qarsoon oo daaha dabadiisa ah la gashay  Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso  Genal Energey iyo shirkadaha kale ee  DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, DOPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, BETRO SOMA,  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP , Chine National Petroleum Corparation Company( BGP ) iyo Shirkada Chiniska ah ee Buuraha Simoodi macdanta ka baadha kuwaas oo aan dhamaan la hor keenin Golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan oo shahaadad maalgashi oo sharci ah u siiyaan.Dhamaan qandaraasyada shirkadahaas waxaa si gaar ah uga faai’deystay dad gaar ah oo keliya ku waas oo u weel sameystay sidii ay u maali lahaayeen abid kheyraadka ummaddu wada laheyd.
C) Kaabeyaashii iyo ilihii dhaqaalaha ee dalka oo dhan oo dad gaar ah lagu naas nuujiyey.
Tusaale : Buuga lahaanshaha gaadiidka, Raashinka Ciidamada, Liisanka Gaadiidka, Custom entry formka, Wado marista Gaadiidka (Road tax ), Handhalinka Garoomada Dayaaradaha, Tigidhada araajida (stamp tax), Baarkinka Gawaadhida ee Garoonka Caasimada, Daabacaada istiikarada Viseyaasha dalka, Sheybaarka shidaalka Haamaha, Qandaraasyada Daabacaada Manaahijta buugaagta iskuulada dawlada oo dhan,maamulka shirkada Sameyska ah ee Somaliland investment Company iyo dhamaan Qandaraasyada DPW ay dhawaan bixisay sida xawilaada lacagaha iyo dhismaha Saldhiga ciidamada ayaa dhamaan sife sharci daro ah oo cadaalada ka fog dad gaar ah loogu xidhay.
 
D) Shirkadihii lagu wareejiyey Keydka Haamaha Shidaalka ee Berbera oo iyana dhinac ka raran.
Kuwaas oo kala ah :Som Petrolium, Red Sea, Som oil, Ream Petrolium, Ali Waraabe Company, Harbi petroleum, Indho-birta, Muse Dalab, Deero Patrolium, Liibaan Petrolium iyo Hass, dhamaan shirkadahan waxay  ummaddu isku wada raacday in  ay dhinac ka raran yihiin oo ishaada ayaa ku macalin ah. Waxaa cadaan ah oo aan caad saarneyn in Siyaasada Xukuumada kulmiye aanay ku dhisneyn mabd’a iyo (policy ) ee ay ku dhisneyd oo keliya ( Clan politics ) ku saleysan Gacan wadaag, Ganacsi iyo qaado aan qaate taa soo ay ku wada jumladeen dhamaan Johoradii qarankani wada lahaa oo dhan.
Waxaa dalka ka dhacday 7-dii Sanadood ee la soo dhaafay cadaalad daro badheedh ah, maamulkii dawladnimo iyo midhihii dawladnimo oo dhinac u ciiray, Saamiqeybsigii mansabka, maganta iyo moorada oo dhinac ka malaasmay, ilihii dhaqaalaha iyo kheyraadii maguuraanka ahaa ee dalka oo dad gaar ah si gaar ah uga faa’ideysteen taas oo aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka,  sidaa daraadeed Waxa xukuumada cusub ee MBA looga fadhiyaa in ay Dariiq cusub u jeexdo qaranka JSL, sife cadaalad iyo sinaan ku saleysana qaranka lagu soo dabaalo oo loogu qaybiyo midhaha dawladnimo, gaar ahaan ilaha dhaqaalaha, mansabka awood qaybsiga, qorsheynta dakhliga dawlada, mashaariicda dawladaha hoose ee ( joint programme )  iyo deeqaha debeda ee dalka soo gaadha oo dhan sida kuwa Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka.
La soco qormooyinka danbe …………….!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London