Habeenimadii Xalay ayaa kooxo wada cabsi gelin isku dayeen weerar inay ku qaadaan Aqalka murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani

Waxaa Ka Hor is taagay ilaalada guriga murashaxa Waxaana dhex martay is rasaasayn.
Waxa hore u fashilmay qorsheyaal hore oo isku day amni daro ahaa kuwaas oo la rabay in laga fuliyo aqalada Gudoomiyaha Xisbiga iyo Murashaxaba.
todobaadkii hore ayay Xukuumadu uga yeedhay saldhiga ciidanka ilaalida Murashaxa iyo Gudoomiyaha si looga joojiyo shaqada
Ciidanka ayaa ku gacansaydhay inay xaroodaan waxaana Loogu hanjabay in laga eryi doono shaqada hadaanay soo xaroon.
Taas oo ah sharci jebin kale maadaama ay yihiin Masuuliyiinta axsaabta qaran xaqna uleh ciidanka.
Waa markii ugu horaysay ee ay somaliland ka dhalato Xukuumad khalkhal gelisa amaankii iyada loogu irkan lahaa
Dhacdooyinka noocaas ah ayaa ku noqon doona canbaar nabad gelyada somaliland.
Waxa sidaa warbaahinta usheegay Xoghayaha warfaafinta xisbiga wadani
Mudane Maxamuud Adam Galaal.