Writen by Qaran News |

Soomaalidu marka ay jaaha soo jiidashsda leh tilmaamayaan waxa ay odhan jireen hebel ama heblaayo “jinni” buu leeyahay ama leedahay.

Haweenka ku welfey ee qabatimay is marinta kiimikada dubka mudhxisa waxa aad mooddaa caag caag, waayo waxa sii dhimanaya ama dhintey dareenkii dubka.

Irbadda marka qofka aadmiga ah lagu mudo waxa uu xanuunka dareemaa marka irbaddu dubka ama maqaarka sare taabato, marka se ay jidhka hore u gasho dareenka xunuunku waa uu dhammaadaa.

Halka aadmigu ka nool yahay waa dubkaas sare, waana ta dhakhaatiirtu tidhaa marka qof gubtey loo keeno haddii uu qaylinayo “rejo ayuu leeyahay oo dubkii baa nool ee ha werwerina”, haddii uu aamusan yahay waa ka yidhaa “rejo uma laabna ee iska daaya”, waayo maqaarkii baa aya dabku dhaafay oo dhintay.
Aqoontan waxa ayay culimada caafimaadku ogaadeen qarnigii hore ee aynu dhowaan sagootinney.

1400 sannadood ka hor ayaa Alle Qur’aanka inoogu sheegay in marka qofka la cadaabayo in marka uu kulaylka dareemo ba dib loogu abuuro dub kale oo cusub si uu kulaylka u sii dsreemo.

Dubka qiimahaas leh in cayasyir loo mudhxiyaa marna waxa ay noqon kartaa jaahilnimo, mar kalena waa kalsooni darro.

Nus qarni ku dhowaad ayay caadadan foosha xun ee halista ahi dhulkeenna taallaa oo ay hadda si ba’an ugu baahdey, guri kasta u gashay.

Hobollada Djibouti ayaa 1980-aadkii, iyaga dhaqankaas silloon ka digaya ku heeshay:

Jaah ka faanto
Jidh ka kooke!

Wax kasta oo asalkiisii laga dooriyaa waxa uu u ekaadaa wax kale oo aanu ahayn.

Geenyada Madoow iyo geenyooyinka kale ee la aragtida ahi waxa ay qaadeen tallaabo ku dayasho mudan.

Mohamed Bashe Xaaji Xasan