Writen by Qaran News |

Tan iyo intii madaxweyne Muuse Biixi uu xilka la wareegay waxa quus ka istaagay dhamaan xubnihii golaha wasiirada ee xukumadii Axmed Siilaanyo ee ka horaysay tan Muuse Biixi, marka laga reebo laba ka mid ahaa golahii wasiirada ee Siilaanyo oo uu madaxweyne Muuse Biixi kiu soo daray golahiisa wasiirada kuwaasi sida uu doonaba isagu ha u arkee intii kale waxa uu ku daray xashiishka waxana qaarkood u qaadan waayeen in dibada la dhigay, kuwaasi oo fagaarayaal badan qaarkood ka soo muuqdeen kuna calaan caleen in ay ka mid ahaayeen xubnihii keenay guusha xisbiga Kulmiye ee uu Muuse Biixi ku noqday madaxweynaha.

Hadaba golahii wasiirada ee xukumadii Siilaanyo oo u badnaa qurbo joog ayaa qaarkood ay dalka isga baxeen markii ay waayeen xilkii wasiirnimo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin.

 

1-Samsam Adan Cabdi. Wasiirkii maaliyada
2- Yuusuf Yucuboole Wasiirudawlahii maaliyada
3- Kaysar Cabdilaahi Wasiir ku xigeenkii arimaha dibada
4- Kayse Guray wasiir ku xigeenkii qorshaynta
5-Cabdi Dheere wasiiru dawlaha arimaha bulshada.

 

Dhamaan xubnahani ayaa haysta dhalashada dalka Ingriiska waxana ay hada ku kala suganyihiin magaalooyinka London, Boltan, iyo Birstol, waxana jira xubno badan oo qurbo joog ah oo xilal hoose ka hayay xukumada oo iyana dalka ka soo baxay iyo kuwo fadhiga lagu masruufi jiray oo uu iyagana habqankoodu soo gaadhay dalalka Yurub siiba dalka Ingriiska kuwaasi oo dhamaantood aanu ku hayno tiro koob dhawaana aanu soo bandhigi doono