WAX CUSUB OO SOO KORDHAY MA JIRAAN

Hadalka Xoghayaha Guud ee WADDANI maaha wax cusub oo wax ka bedelaya mawqifkii xisbiga ee khilaafka siyaasasiga ah ee la xidhiidha doorashooyinka. Furista ururadu in ay sharci tahay marna may diidanayn balse waxay diidanaayeen doorasho laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada hadana ma ogola, sida uu xusay Xoghayaha Guud.
Gudduda Diiwaangelinta marka hore iyo mar kastaba shaqadeeda ayay ahayd in ay la socoto kuna ilaaliso xisbiyada qaranka arimaha xeerku ku waajibinayo. Laakiin guddidu hawlmaalmeedba intii hore oo dhan may lahayn in kasta oo xubno mar kastaba magacawnaa ay jireen xafiis kero ahna ku jireen hadana xidhiidh joogto ah lamay lahayn xisbiyada ee mushaharka iyo kharashyada kale ayuun baa miisaaniyadda ugu jirtay.
Waxa ka mid ahayd hawlaha gudida in xisbi kasta ay hubiyaan in si joogto ah u qabsaday shirarkiisa caadiga ah si waafaqsan xeerka xisbiga. Gaar ahaan xisbigu marka uu qabsado shirwaynihiisa wixii isbedel ah ee ku yimi hogaankiisa, gudidiisa fulinta, golihiisa dhexe ilaa xeerkiisa in uu u gudbiyo Gudida Diiwaangelintu waxay ahayd waajib. Wada shaqaynta gudida iyo xisbiyaduna mar kasta waxay ahayd in ay joogto ahaato. Taasi runtii may jirin eeddana lama wada lahayn ee gudida ayaa iska lahayd oo ka baaqatay gudashada xilkeedii.
Sidaa daraadeed hadii gudidan cusubi ay soo waydiiso xisbiyada arimaha xeerku jidaynayo waa sax. Inta xoghayaha guud uu sheegayna waa intaa ee wax kale maaha. Khilaafkii jirayna wuu jiraa mawqifka xisbiyada mucaaridkuna waa halkiisii iyo doorashadii madaxtooyada ee mudaysnayd 13ka November oo halkeedii ah hadii inta ka horaysa aan la helin wax kale oo heshiis lagu yahay.

Sida uu madaxwaynuhu wax u wado lagama yaabo in xal khilaafka lagu soo afjaro oo helo lagu yahay la helo. Taas oo meesha ka saari doonta in doorasho la isla ogol yahay dalka ay ka qabsoomi karto. Tu aan la isla ogolaynna haba shiigin waa beentii ka sheegaya in ay ka qabsoomi karto eh

CALIGUREY
HALGANWATCH