Writen by Qaran News |

Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Qawlka? W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigiisa ku soo bandhigi karo qoraal, hadal, suugaan iwm hase ahaatee qodobka 25-aad farqaddiisa 4-aad wuxuu dhigayaa muwaadinku in aanu isaguna ku xadgudbin ama aanu ka horiman xeerarka anshaxa guud, nabadgalyada, xasilloonida dalka ama xuquuqda iyo sharafta dadka kale.

Si kale haddii loo dhigo xorriyadda hadalka ee dastoorku dammaanad qaaday waxa ka reeban in aan khadka casaanka ah laga gudbin oo sida sharcigu tilmaamayo dambi lagu mutaysan karo (there is a red line between freedom of expression and hate speech).

Haddaba waxay u eeg tahay in bulshadu khalad ka fahamsan tahay xorriyadda hadalka ama in aanay garan Karin xuduudka iyo ilaa inta uu sharcigu u jideeyay. Bal u fiirso baryahan waxa ka baxaya ama ka socda TV-yada iyo baraha bulshada oo loo isticmaalayo hadallo iyo qoraallo aan loo miidaan dayin oo gudbinaya farriimo nacayb ah iyo fidmo bulshada la dhex dhigayo si loo kala irdheeyo dad aan kala maarmi Karin oo isku naf ah, masiirkooduna mid yahay.

Habeen iyo maalin waxa dhegaha dadweynaha ku soo dhacaya dhawaaq laga naxo oo ka soo yeedhaya rag loo malaynayay in ay yihiin haldoorkii umadda, waana raggii ka talin lahaa samaha, wada noolaanshaha iyo wadajirka bulshada; waa Duni aakhir samaan maanta in la arko nin suldaan sheeganaya ama masuul ku baaqaya colaad iyo in nabadda la diido. Runtii waa wax laga werwero marka aad aragto dhallinyaradii dalka oo lagu barbaarinayo nacaybka iyo colaadda kuwii ay iska garabsan lahaayeen cadowga iyo dhismaha mustaqbalka dalkooda.

Dadkayga waxaan xasuusinaya dhibaatada masuuliyad darrada warbaahintu ku keeni karto bulsho degan oo nabad ah haddii heegga loo sii daayo. Akhriste bal taariikhda dib u milicso doorkii ay ka qaadatay xasuuqii Rwanda, dhimashadii laba kun oo qof iyo boqol kun oo ku barakacay rabshadihii ka dambeeyay doorashadii madaxtooyada ee Kenya.

Itoobiya kilalka Oromiya dhawaan waxa ka dhacay qalalaase 80 qof lagu dilay iyo khasaare maaliyadeed oo aan la soo koobi Karin markii warbaahin gaar loo leeyahay laga sii daayay khudbado nacayb xambaarsan iyo farriimo lagu kicinayo qoomiyadda Oromada oo ku jihaysan qaar ka mid ah qoomiyadaha ku dhex nool iyo dadka aamminsan Diinta Maseexiga.

Dhawrkan tusaale waxay inagu baraarujinayaan in aynu wax ka barano waxna ku qaadano dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhacaya dalalka hareereheena.

Talo Bixin

· In aan loo dulqaadan oo la iska qabto sharwadeyaasha ku foogan xumaanta iyo kala qaybinta bulshada;

· In siyaasiyiinta qaar iyo madax dhaqameedku ka waantoobaan xaalad abuurka iyo aflagaadada qaawan ee ku jahaysan beelaha qaar ka mid ah;

· In warbaahintu ka fogaato in ay qayb ka noqoto wax kasta oo saamayn ku yeelan kara nabadgalyada;

· In ururada xuquuqal insaanku si fiican u darsaan qodobada dastoorka ee ilaalinaya xaqa muwaadinka iyo kuwa isaga ka reeban si ay u kala gartaan dambiilaha iyo dhibbanaha u baahan in la difaaco.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com