Haddi aad qof uga baahan tahay shay had iyo jeer sii qofkaas hab uu kuugu dhiibo. Madaxweynaha rafadkiisa aan siino, Rafadka kursiga leh iyo muranka. Markaa inagoo qosleyna aan ka kicino.

Waayo waqtiga ka daba yimi. Farmaajo Moqdisho sanad buu la mareysaneyey. weyse ka umuliyeen.

Aan Muuse ka foolino. Inta foosha uga hadhey, Somaliland Wiil Curadd bey dhaleysa oo Ciro la yidhaahdo eh.

Shacabkow suga. Siidhiga haku degdegina. Hadii Ciro siidhiga afuufo wey dhicineysaaye. Hadiise loo arko iney dhiciso inoo diyaariyaa maqaarkii. Hasha lagu maali lahaa, markey ilmaheeda weyddo

Aniguna waxaan idin ogahay, Dalkeenu inuu mustaqabal wanaagsan leeyahey. Kulmiyena xafiiska Madaxtoyadda dhaafayo. Iyadoon dhiig ku daadan.

Musharax Ciro Shaqadiisa u daaya. Wuu fahamsan yahey Shaxdda Muuse ciyaaro eh. Hadduu Siidhiga idin afuufona diyaar ahaadda. Waayo siidhiga Ciro. Waa badbaaddo qaran.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari