Haddii Kenya sidan inoo bahdilayso maxaynu kharash ugu bixinayna in diblomaasiyiin Nairobi inoo jooga…..Qoraa Diridhaba
Dawladda Kenya waxay maanta goor hore raali gelin ka siisay dawladda Soomaaliya in shallay la keenay goob uu madaxweynaha Kenya ku casuumay danjirayaasha u fadhiya Nairobi dunida callanka Somaliland.
Qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya shaacisay maanta ayaa lagu yidhi:
“Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya waxay uga mahad celinaysa safaaradda Soomaaliya ee Kenya cabashada ay soo gudbisay, cabashadaasi oo ku saabsanayd in callanka Somaliland la dhex keenay callamadii dalalkii ka qayb gallaayay shirkii madaxweynaha iyo safiiradda dalalka Kenya jooga.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya waxay si aad ah uga xuntahay in si anshaxa ka baxsan oo aan munaasab ahayn callanka Somaliland loo keenay madasha shirku ka dhacaayay, waxaanu ku celinayna in aanu aqoonsanahay midnimada, madax banaanida iyo milgaha Soomaaliya oo mid ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay ugu caddaynaysa si aan mugdi ku jirin in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi aanu siin doono tixgelinta ugu mudan”
ayaa lagu soo gebo gebeeyey warsaxafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya ku raali gelisay Soomaaliya.
Haddii Kenya sidan inoo bahdilayso oo Jamhuuriyadda Somaliland u bahdilayso maxaynu kharash ugu bixinayna in diblomaasiyiin Nairobi inoo joogan

