Writen by Qaran News |

Taxanaha  Buugga:

“Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka” (QAYBTA 3AAD)

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)

Muslim magac-u-yaal ah

 

In kasta oo taariikhda Islaamka ee dheeri ay soo martay heerar kala duwan oo guulo iyo guuldarrooyinba lahaa, haddana, muddo ku dhow 13 qarni ayay Muslimiintu ahaayeen indhaha ilbaxnimada iyo awoodda caddaaladeed ee adduunku bidhaansado.

Muddadaas dhexdeeda waxa jirey dhacdooyin iyo turunturrooyin xanuun badan oo Muslimiinta ku dhacay, ha ahaatee, may ahayn dhacdooyinkaasi kuwo guud ahaan aafeeya jiritaanka iyo magac samida Muslimiinta.

In kasta oo nuskii hore ee qarnigii todobaad ee hijrada Nebiga xaddaaraddii Islaamka ay burburisay awooddii Tataarku, iyagoo cagta mariyey inta badan caalamkii Islaamka oo ay ku jirtay xaruntii khilaafada Islaamka oo ahayd caasimadda adduunka ugu horumarsan wakhtigaas (Baqdaad), haddana loollanka ugu muddada dheeraa ee Muslimiintu ku jireen waxa uu ahaa hirdankii u dhexeeyey Muslimiinta iyo Reer Galbeedkii mucatabkudirirka ahaa.

Reer Galbeedku waxa ay ahaayeen ma quustayaal damac badan, awood darraduse gaadhsiin wayday in ay xaqiijiyaan damacooda.

Wakhtigaas dheer ee Islaamku awoodda lahaa, si kasta oo ay isugu dayeen in ay xakameeyaan fiditaanka Islaamka way ku guuldarraysteen, waxa ay adeegsadeen qaab kasta oo ay Muslimiinta awooddooda kobcaysa iyo diintooda fidaysa ku joojin lahaayeen, ha yeeshee dhammaan isku day kastaa waxa uu ku danbeeyey guuldarro.

Falaasifadii iyo boobabkii gaalada Reer Galbeedku markay ku fashilmeen, hakinta diinta Islaamka, isla markaana ay ku guuldarreysteen in ay kiristaanka ku dhex faafiyaan Muslimiinta, midho wax ku ool ahna ka keeni kari waayeen dadaalkoodii oo dhan, waxa ay qaateen istiraatiijiyad kale oo halis badan, taas oo nuxurkeedu yahay in qofka Muslimka ah laga dhigo qolfoof dusha ka Muslim ah gudahana ka madhan, oo magac-u-yaal ah.

Waxa ay ku dadaaleen in qofka Muslimka ah dhaqan ahaan loo beddelo, iyada oo fikirkiisa iyo waxa uu rumaysan yahay raadeyn taban lagu yeelanayo, isla markaana dhaqan ahaan loo burburinayo.

Si arrinkan loo xaqiijiyo waxa culayska la saaray in ay saamayntu noqoto labadan dhinac:

  1. Shahawaad – in dadka dhaqan ahaan loo fasahaadiyo, si xurmaynta iyo ku dhaqanka diinta loo aafeeyo.
  2. Shubuhaad – in maskax ahaan tashwiish iyo shaki la geliyo, si waxyaalihii lama taabtaanka ahaa ee Muslimku diin ahaan u aaminsanaa looga dhigo, wax aan macno ku fadhiyin, shakina loo geliyo saxnaanta iyo waaridda rumaynta diinta.

 

Xaqiijinta yoolkaas in kasta oo laga wada qayb qaatay, haddana waxa qayb libaax ku lahaa niman ku caan baxay Mustashriqiin.

Mustashriqiintu waxa ay ahaayeen sahan u adeega hodminta ilbaxnimadii Reer Galbeedka, iyagoo xogo ka soo ururiya dawladaha iyo shucuubtii Reer Bariga ee muslimka ahayd.

Sidoo kale waxa ay ahaayeen gacan yarayaal fududeeya sidii ay u guuleysan lahaayeen weerarradii mucatabkudirirka ahaa, waxaana loogu talo galay in ay fikir ahaan u wiiqaan Muslimiinta, diintoodana dhaawacaan, istiraatiijiyadda ay raacayeen may ahayn mid keligood ku kooban oo agoon ah ee waxa ay ahaayeen qorshayaal si fiican looga baaraandegay oo muddo dheer laga shaqaynayey, awoodo dawladeedna daba taagan yihiin.

Waxa laga soo guuriyaa Raysal Wasaarihii wakhtiga dheer Ingiriiska hoggaaminayey William Ewart Gladstone (1809-1889), in uu khudbad ka jeediyey golaha baaralamaanka ee Ingiriiska, oo uu sidan yidhi: “Ma awoodi doonno ina aannu Islaamka ka adkaanno ilaa aannu saddex tiir oo uu ku taagan yahay ka takhalluusno, kuwaasoo uu ugu horreeyo kitaabkani” waxaannu kor u qaaday Musxaf Quraan ah!.

Isla markiiba waxa soo kacay xildhibaan golaha fadhiyey oo inta uu musxafkii gacanta Gladsone ka dhuftay jeexjeexay!

Gladsone waxa uu ku yidhi ninkaas xildhibaanka ah: “Kaagan nacaska ahow ugama jeedo googooynta musxafka in waraaqihiisa la kidfo, ee waxa aan u dan leeyahay in quluubta Muslimiinta lagu dhex jeex jeexo” ! (Tixraaca ugu laabo buugga).

Dadaalka ku aaddan burburinta kalsoonida Muslimiintu ku qabaan diintooda iyo ixtiraamka ay u hayaan hoggaankooda diinta (culimada), waxa uu soo maray heerar kala duwan, waxaana la soo adeegsaday habab kala geddisan, maantana waxa uu joogaa waayo cusub, waxaana la adeegsanayaa qorshayaal ku tijaabin ah oo qayb ahaan ugub ah.

La soco –

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)

Tubtatoosan02@gmail.com.