Writen by Qaran News |

Halkeebuu Dalka Sacuudiga ka helaa hubka ugu badan ee uu ku xasuuqo Shacabka Yemen?

Britain waxay sheegtaa in dagaalka uu Sacuudiga wado aan lagu jabinin sharciga caalamiga ah
Britain waxay sheegtaa in dagaalka uu Sacuudiga wado aan lagu jabinin sharciga caalamiga ah

Xilli uu dagaalka ka socda Yemen sii galayo sanadkiisii hsnaad, tirada dhimashada ee dadka rayidka ahna ay sii kordheyso, dowladda UK ayaa la kulmeysa cadaadis xooggan oo ku saabsan hubka ay u dhoofiso Sacuudi Carabiya.

UK oo kaliyana ma aha dalalka uu Sacuudiga ka helo hubka uu u adeegsado dagaalka Yemen.

Halkan waxaan ku soo gudbineynaa toddobo su’aal oo jawaabahoodana lagu sharraxayo arrimahaas.

Maxaa isu keenay magacyada saddexdan waddan – Sacuudiga, Yemen iyo UK?

Boqortooyada Sacuudiga ee saliidda qaniga ku ah waa waddanka ugu hub iibsashada badan guud ahaan caalamka.

Sanadihii lasoo dhaafay wuxuu Sacuudiga horkacayay dagaal ay ujeeddadiisu tahay sidii looga adkaan lahaa kooxaha fallaagada ah ee ku sugan waddanka dariska la ah ee Yemen, oo ah dalka ugu saboolsan dunida carabta.

Waddanka UK, oo sanadkii lasoo dhaafay isku tilmaamay inuu yahay dalka labaad ee ugu hub iibinta badan caalamka, wuxuu qiyaasay in wax ka badan 40% ka mid ah hubkiisa uu u dhoofiyo hal waddan oo kaliya, kaasoo ah Sacuudi Carabiya.

Imaaraadka Carabta, oo Sacuudiga xulafo kula ah dagaalka ka socda Yemen, ayaa sidoo kale hub aad u badan ka iibsada UK, sida lagu xaqiijiyay warbixinta ay dowladda Britain soo saartay sanadkii 2019-kii.

Tani waxay ka dhigan tahay in Mareykanka oo kaliya uu UK uga horreeyo gacansiga iibinta hubka ee adduunka.

Maxaytahay xaaladda ka taagan Yemen?

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka UK waxay su’aalo badan ka keeneen saameynta uu gacansiga hubka ee Britain – oo balaayiin gini ku kaca – ku leeyahay xaaladda ka taagan Yemen, halkaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ka jiraan xasaradaha bani’aadannimo ee ugu xun caalamka.

Qaramada Midoobay waxay xaaladda Yemen ku tilmaantay xasaradda bani'aadannimo ee ugu
Qaramada Midoobay waxay xaaladda Yemen ku tilmaantay xasaradda bani’aadannimo ee ugu xun adduunka

Sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay, sida dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka Yemen waxay ahayd 7,700 ilaa bishii March ee sanadkan 2020-ka. Inta badan dadkaas waxay ku dhinteen duqeymaha ay fuliyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Hay’adaha kale ee kormeerka waxay sheegeen tiro intaas aad uga sarreysa.

ACLED oo ah hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo qiimeysa saameynta dagaallada waxay sheegtay in dad kor u dhaafaya 100,000 ay ku dhinteen Yemen ilaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, tiradaas dhimashadana waxay sheegeen in 12,000 oo ka mid ah ay yihiin dad rayid ah.

 

Dhammaan shacabka ku dhintay Yemen waxaa noloshooda galaaftay weerarro toos loola beegsanayay, sida ay warbixinteeda ku sheegtay ACLED.

Qiyaastii 80% ka mid ah shacabka Yemen – oo guud ahaan tiradooda ay tahay 24 milyan – ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo iyo ilaalin.

Carruur tiradooda lagu qiyaasay 2 milyan ayey heysaa nafaqo darro, waxaana ka mid ah 360,000 oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano.

Maxay arrintan ka tiri dowladda Britain?

Xagaagii lasoo dhaafay, ururrada xuquuqda aadanaha waxay door weyn ka qaateen amar maxkamadeed oo dowladda Britain looga hakiyay hubka ay u dhoofiso Sacuudiga, waxaana lagu khasbay inay xukuumaddu dib u eegto siyaasaddeeda ganacsiga hubka, si loo eego in dagaalka Yemen “khalad weyn” looga galay sharciga caalamiga ah.

Britain waxay Sacuudiga siisaa hub, tababar ciidan iyo la talin dhinaca milatariga ah
Britain waxay Sacuudiga siisaa hub, tababar ciidan iyo la talin dhinaca milatariga ah

Kaddib muddo hal sano ah, dowladda UK waxay soo gabagabeysay qiimeyn ay xaaladda ku sameyneysay, waxayna ku dhawaaqday inay dib u billaabeyso iibinta hubka ay u dirto Sacuudiga.

“Sacuudi Carabiya ujeeddadeedu waa mid saxan, waxayna u hoggaansameysaa sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada,” ayey tiri wasiirka ganacsiga caalamiga ah ee UK, Liz Truss, iyadoo hoosta ka xarriiqday fikirka dowladda ee ah inay jiraan “dhacdooyin gaar ah oo khaladaad lagu sameeyay”.

“Dhacdooyinka ay suurtagalka tahay in lagu sameeyay xadgudubka waxay dhaceen waqtiyo kala duwan, waxaana sababay xaalado kala duwan,” ayey ku tiri qoraal ay u gudbisay baarlamaanka.

Maxay sheegeen dadka eedeymaha jeediyay?

Haweeneyda ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, Emily Thornberry, oo afhayeen uga ah arrimaha gacansiga ee caalamiga ah, ayaa go’aanka dowladda ku qeexday “mid aan marmarsiiyo lahayd”, iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay ceeb ku tahay “sheegashada Britain ee ah inay difaacdo xuquuqda aadanaha”.

Labo milyan oo carruur ah ayaa la aaminsan yahay inay nafaqo darro ku heyso Yemen
Labo milyan oo carruur ah ayaa la aaminsan yahay inay nafaqo darro ku heyso Yemen

Kooxda wadday ol’ilihii horseeday go’aanka maxkamadda ayaa sidaasoo kale ku doodayay.

Hay’adda kormeerta waxyeellada rayidka kasoo gaarta duqeymaha xagga cirka ah ee laga fuliyo Bariga Dhexe, ee lagu magacaabo Airwars, oo uu fadhigeedu yahay UK, ayaa shaki ka muujisay saxnimada go’aanka ay dowladda UK ku taageertay howlgalka Sacuudiga.

Waxay hay’addan sheegtay in UK qudheeda aysan xog la isku halleyn karo kasoo saarin duqeymaheeda dhinaca cirka, sidaas awgeedna aysan daacad ka noqon karin kuwa Sacuudiga ee ay xulafada yihiin.

Waa imisa lacagta ku baxda hubka loo dhoofiyo Sacuudiga?

Mas’uuliyiinta ol’olaha ka dhanka ah Ganacsiga Hubka ee magaciisa loo soo gaabiyo (CAAT) ayaa sheegay in UK ay tan iyo sanadkii 2015-kii Sacuudiga u dhoofisay hub ku kacaya lacag dhan £5.3 bilyan oo gini.

Dagaalka Yemen ayaa billowday isla sannadkaas.

Sacuudi Carabiya waa mid ka mid ah xulafadaha ugu waaweyn ee UK ay ku leedahay Bariga Dhexe
Sacuudi Carabiya waa mid ka mid ah xulafadaha ugu waaweyn ee UK ay ku leedahay Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale sheegeen in lacag kale oo dhan £1 biyan oo gini ay ku baxday hub muddadaas gudaheeda la siiyay dalalka kale ee khaliijka ee ay isbahaysiga yihiin Sacuudiga, kana qeyb qaadanaya dagaalka Yemen.

Laakiin saraakiisha CAAT waxay sheegeen in lacagahaas aysan ku jirin hubka sida gaar gaarka ah looga iibiyay dalalkaas.

Waxay isku darka lacagta ku baxday hubka ay Britain ka iibisay Sacuudiga iyo xulafadiisa tan iyo billowgii dagaalka Yemen ku qiyaaseen ugu yaraan £16 bilyan oo gini (oo ah lacag ka badan $20 bilyan oo doolar)

Ma UK kaliya ayaa hubka ka iibisa Sacuudiga?

Qandaraasyada dhinaca hubka ee ay Britain ka hesho Sacuudiga waa wax aad u yar marka lala barbar dhigo Mareykanka.

Inkastoo 40% ka mid ah hubka ay soo saarto UK laga iibiyo Sacuudiga, haddana 73% ka mid ah hubka uu Sacuudiga gatay intii u dhaxeysay 2015-kii ilaa 2019-kii waxaa laga keenay Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda (Sipri), oo fadhigeedu yahay magaalada Stockholm.

Fallaagada Xuutiyiinta ee la dagaallamaya isbahaysiga Sacuudiga waxay ku gacan seyreen xabad joojin
Fallaagada Xuutiyiinta ee la dagaallamaya isbahaysiga Sacuudiga waxay ku gacan seyreen xabad joojin

Dalka labaad ee Sacuudiga Hubka siiya waa Britain oo ka iibisa 13%, halka Faransiiska uu yahay waddanka saddexaad oo ka iibiya 4.3%

Fallaagada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Sacuudiga iyo xulafadiisa waxaa la aaminsan yahay inay garab ka helaan dowladda Iiraan, inkastoo Tehran ay arrintaas beenisay.

Kooxdan hubeysan ee ka dagaallameysa Yemen waxay ku gacan seyrtay inay heshiis xabad joojin ah la gasho isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Siduu u muuqdaa mustaqbalka?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Dominic Raab wuxuu dhawaan qoray maqaal lagu daabacay wargeyska Financial Times, kaasoo uu ku sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso sidii ay nabad uga dhalin lahayd Yemen ayna ka qeyb qaadaneyso dadaalka lagu sameynayo gargaarka bani’aadannimo.

Isagoo ku baaqay xabad joojin qaran oo laga sameeyo Yemen, ayuu sheegay in Britain, Jarmalka iyo Sweden ay si wadajir ah u bixinayaan lacag dhan $365 milyan oo doolar, oo lagu kabayo howsha ay Qaramada Midoobay ka waddo waddankaas.

Marka laga soo tago daacuunka ka dillaacay ee noqday kii ugu darnaa abid, waxay sidoo kale Yemen la dhibaatooneysaa cudurka Covid-19, xilli ay shaqeynayaan kaliya kalabar ka mid ah adeegyadii caafimaad ee dalkaas.

Qaramada Midoobay waxay ka cabsi qabtaa in dhimashada cudurka ay xaddhaaf kasii dhigeyso dadka ku geeriyoonaya waddankaas uu dagaalka ka socdo
Qoraalka sawirka,Qaramada Midoobay waxay ka cabsi qabtaa in dhimashada cudurka ay xaddhaaf kasii dhigeyso dadka ku geeriyoonaya waddankaas uu dagaalka ka socdo

Bishii April, Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inuu xabad joojin ka sameynayo Yemen, sababo ka xiriirka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Laakiin Xuutiyiinta ayaa diiday inay dhankooda xabad joojin ka sameeyaan, iyagoo dalbaday in xayiraadaha dhinaca cirka iyo baddaba laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo magaalada dekedda leh ee Xudeyda.

Haddi wali wuu taagan yahay ismariwaaga, Qaramada Midoobayna waxay ka digeysaa in burburka uu dagaalka sababay uu aad u yaraan doono marka la barbar dhigo waxa hadda la filan karo.

Waxay hay’addu sheegtay in geerida ka dhalatay safmarka coronavirus ay “ka badan karto marka isku daro dhimashada ay sababeen dagaallada, cudurrada iyo baahida Yemen ka jiray shantii sano ee lasoo dhaafay”.