“Halkii Maro kaneecooyin loogu iibin lahaa dadka danyarta ah, ayuu Xafiiskiisii ku qurxiyey lacagtii baahiyaha caafimaadka ee Dhakharka Guud wax loogu qaban lahaa”
WQ. Yoobis Axmed Yoonis
“Fadeexada, karti darada iyo maamul xumada dul hoganaysa Wasaaradda Caafimaadka waata muuqata ee bannaanka keentay in ay dadkii reer Somaliland u dhimanayaa daryeel la’aan iyo masuuliyad darrada masuuliyiinta Wasaaradda kow ka yihiin, iyada oo dalka xumad ba’n ka jirto, dadkii xanuunsanayey bannaanada Cusbitaalka guud ee Dawladda ee Hargeysa wadax yihiin, illaa maantana aanay jirin qorshe iyo waxqabad ay la timid Wasaaradda Caafimaadku.
Marka la yimaado malaayiinta Dollar ee lagu dhex ururiyey Cusbitaalka guud ee Hargeysa ee aan waxba lagaga qaban baahiyaha Dhakhtarkaasi iyo dadka bukaanka ah ee halkaas ku jira, arrinta la yaabka ah ee fadeexada qaran ahi waa in Xafiiska Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Hanti dhawrku sheego in lagu qalabeeyey 7 kun oo dollarka Mareykanka ah, taas oo haddii dadka danyarta ah ee Cisbitaalka ku jira loo siin lahaa Maro kaneecooyin wax badan u tari lahayd dadkaasi.
Tani waxay muujinaysaa in damiirka Madaxda Wasaaraddaasi aad u hooseeyo oo iyada oo hooyooyinkii iyo curruurtii banaanka Cusbitaalka yaalaan ay lacag ku bixinayaan qurxinta Xafiisyadooda, halkii loogu dhisi lahaa ugu yaraan goobo dadkaas hadhsadaan dhaxanta ka galaan.”
May be an image of 2 people, beard and suit