Writen by Qaran News |

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu,

Aniga oo ku hadlaya magacayga gaarka ah iyo ka gudida fulinta xisbiga Waddani ee dalka Holland.

Waxaan xuska ciidal Adxa awgeed hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo nabadqab, caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo. Allah Cibaaddada suuban dhamaanteen haynaga aqbalo, Ilaahay haynagu daro kuwa uu u dembi dhaafo.

Dhamaantiin markale waxaan idiin leeyahay ” Ciid mubaarik , kulu caam wa antum bikheyr. Taqabaal allahu minna wa minkum salixiil acmaal.”

Amiin………………….Amiin.

Wabilaahi tawfiiq.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee dalka Holland.
Md. Xiis Maxamed Cige.