Hanjabaad argagax leh oo uu Putin u diray Sweden, Finland & NATO

.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo, iyadoo xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO aysan wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine. Waxa uu sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geeedii socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Inta la ogaaday waa safarkii ugu horeeyay ee Mr Putin uu ku tago meel ka baxsan Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka. Shir madaxeedka Madrid, madaxa NATO, Jens Stoltenberg, ayaa ballanqaaday taageerada Ukraine ilaa iyo inta ay ku qaadato.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda milatari ee tobanaanka sano ay wadeen. Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko urur argagixiso ah.

Laakiin madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa markii dambe ogolaaday codsigooda, taas beddelkeedana loo helo dammaanad qaaday amni.

.

Go’aankan ayaa daba socday kulan ay ka qeyb galeen Mr Erdogan, xoghayaha guud ee NATO iyo madaxda Finland iyo Sweden.

Xafiiska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka heleen wixii ay ka doonayeen Sweden iyo Finland.

Labada dal oo Yurubta waqooyi ah ayaa shaaciyay rabitaankooda ku aaddan in ay Nato ku biiraan bishii May, iyagoo uga jawaabaya duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Mr Stoltenberg ayaa soo jeediyay in howsha la dadajiyo, iyagoo durba shaaciyay saaxiibka ay ku leeyihiin Gaashaanbuurta Nato.

Joe Biden ayaa sidoo kale Talaadadii taleefoon kula hadlay Mr Erdogan. Sarkaal sare oo Mareykan ah oo la yirahdo Celeste Wallander ayaa sheegay in madaxweynaha uusan wax heshiis ah la gaarin Turkiga, balse wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu taageerayo casriyeynta diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, ayna sii wadayaan wadahadallada ku saabsan codsiga Ankara ee F-16. Moscow waxay balaarinta Gaashaanbuurta NATO sheegtay in ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin iyo ‘xasillooni darro daba-dheereeta.’.

Ruushka ayaa si adag uga soo horjeeda in labadaas dal ay ku biiraan Nato, waxa ayna Moscow u aragtaa in barraalinta Nato ay halis ku tahay amnigooda.

Intee ayay gaarsiisan tahay awoodda NATO?

.

Mabda’a asaasiga ah ee isbahaysiga militari ee caalamiga ah ee NATO waa nidaam difaac oo wadajir ah, taasoo la macno ah haddii waddan kasta oo xubin ka ah ay soo weerarto cid saddexaad, markaas waddan kasta oo xubin ka ah waa inuu u soo galo si uu u difaaco dalkaas si wadar ah.

Nasiib wanaag dalka ay danta ugu jirto Nato waxaa ka mid ah waddamada sida Montenegro, oo kaliya £ 67m ku bixiya sanadkii difaacooda, waxaa jira qaar ka mid ah waddammada waaweyn oo hanti intaa ka badan ku bixiya isbahaysigaas.

Maraykanku waxa uu ku kharash gareeyaa in ka badan labanlaab inta kale ee Nato marka la isku daro, iyada oo sanadkii 2021 kharashka ku baxay lagu qiyaasay $705bn (£516bn), sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Marka laga soo tago inuu yahay dalkaasi dalka dhaqaalaha ugu badan geliya difaaca adduunka, Maraykanku sida oo kale waxa uu leeyahay hub awood badan iyo tiro aad u badan oo ciidan tababaran ah – 1.3 milyan ayaa ah ciidanka diiwaan gashan ee shaqaynaya, kuwaas oo sida oo kale leh 865,000 kale oo kayd ah, sida lagu sheegay New York Times 2017.

UK waa tan labaad ee ugu weyn, guud ahaan kharashka ku baxa NATO, iyaga oo geliya ku dhawaad £ 50bn sanad walba marka la barbar dhigo Jarmalka £ 45bn, Faransiiska £ 42bn iyo Talyaaniga £ 20bn.

In kasta oo aysan jirin ciidan go’an oo NATO ah, Isbahaysigu wuxuu ka faa’iidaysanayaa ku xisaabtanka awoodaha milatari iyo khibradda waddan kasta oo xubin ka ah isbahaysigaas. Dal kastaa wax ay miiska soo saaraan oo ay ku jiraan ciidan, ltaangiyo, doon-dagaal xitaa diyaaradaha casriga ah ee dagaalka.

Maanta waxay awood u leeyihiin in loo tiriyo ku dhawaad 3.5-milyan oo qof oo isugu jira shaqaale, ciidan iyo rayid. Waddan kasta oo xubin ka ah waxa uu oggolaadaa in uu wax ku biiriyo iyada oo loo eegayo miisaan istaraatiijiyadeed oo kala duwan iyo saameyno kala geddisan, oo dhinac kastaaba hawl gaar ah ku aadayo.

Si guud dalalka NATO xubinta ka ah ayaa gaarsiisan 30 xubnood