Writen by Qaran News |

“Waa maalin muran iyo, makeeki hadhee
Waa maalin Ilaahay maansheeyee
Aan maalno hasheenna Maandeeq”

Heestan waxaa tiriyey AHN Abwaan Saxardiid Maxammed Jebiye. Heestani waxay soo baxday 26kii June 1960. Waa maalintii maxmiyaddii Ingiriisku ka huleeshay degaannadii Soomaaliyeed ee ay gumaysanaysey. Dadkii dhulkaa degganaa waxay maalintaa laga bilaabo heleen “madaxbannaani buuxda” iyo inay iyagu taladooda gacantooda ku qabsadaan aayahoodana ka tashadaan. Abwaannadu waxay suugaanta ku cabbiraan hadba marxaladda bulshadoodu marayso, duruufaha hor yaalla, dhaliilaha u muuqda, rajooyinka u iftiimaya, khataraha soo wajahan iwm.

Abwaan Jebiye AHN, maalintaa u arkayey ummadda Soomaaliyeed sidii qoys/reer hanti ay lahaayeen oo laga dhacay dib u soo dhacsaday, loona baahan yahay in hantidaas si fiican loo haaneedo, Ilaahayna loogu mahadnaqo. Bal qiyaas reer geeloodii laga dhacay oo muddo caydhnimo iyo niyad xumo ku jirey. Qoys geeloodii laga dhacay oo kii ka dhacay hortooda ku maalayey oo awoodi waayey inay dhacsadaan iska daaye, in hambada geelooda laga maalay wax laga siiyo,oo aan ka hadli karin caanaha inta geelooda laga soo lisay haddana kii soo lisay markuu ka dhergo afka ciidda u gelinayo. Bal qiyaas haddii kii geela lahaa is yidhaahdo ka hadal in xabsi loo taxaabayo. Bal qiyaas kii isyidhaahda geelaaga soo dhacso sidii halgankii Daraawiushta oo kale haddii diyaarado qumbulado sun ah wata lagu rushaynayo. Bal qiyaas sidii Sheekh Bashiir oo kale kii ka gadooda dhacaas iyo dulmigaas haddii dadkiisa dhexdiisa lagu deldelayo oo weliba meydkiisa la diido in la aaso! Bal qiyaas Suldaanka hadal ka soo celiya haddii sidii Suldaan Maxamuud Cali Shire haddii la masaafurinayo oo dibedaha lagu xidhayo. Bal qiyaas sidii dhacday 1948 (Ogaden region) iyo 1954 (Hawd and Reserved Area) haddii dooxooyinkii geelaagu daaqi jirey loo gacan geliyo cadow kale oo aad deris tihiin.

Suugaanta Soomaalidu ka qoto dheer kana sal ballaadhan ereyada dhegtaada ku dhacaya ama dhawaqa codka dhegtaadu maqasho. Ka mug, miisaan iyo micneba weyn ereyo qoran oo ishaadu aragto oo akhrido. Suugaantu waxay leedahay sogordoh iyo sarbeeb. Waxay leedahay micno daalacan iyo mid dedan. Waxay leedahay micneyaal furan oo qofba nabarkiisa buka dawo ahaan ula raadsado. Waxay ka turjuntaa dhaqan, taariikh iyo bii’ad. Waxa nasiib darro ah in aragti dhow oo aanay u qalmin lagu cabbiro oo ereyga siduu u yahay oo mutaxan loo qaato iyadoo aan la dhadhansanayn nuxurka uu xambaarsan yahay ee abwaanku tooganayo, iyo ujeedada durugsan ee murtida xambaarsan ee laga rabo iyadoo farshaxamaysan in lagu keydiyo.

“Aan maallo hasheena Maandeeq.”

Haddaad u qaadatay neef geel ah oo inta la soo xereeyo caano laga maalayo, oo aadan is weydiin su’aalahan; waa tuma Maandeeqdani? Yaa la rabaa inay maalaan? Maxay looga baahan yahay qoyska si ay maandeeq caano badan uga maalaan? Cadow ma leedahay hashani loo baahan yahay in laga ilaaliyo oo nafta loo huro? Ma u baahan tahay in la tarmiyo oo ay ubad badan dhasho si loo helo markay gaboowdo qaalmihii beddeli lahaa iyo baarqabkii lagu dari lahaa? Dhulkii Maandeeq daaqi lahayd iyo ceelashay ka cabi lahayd xor ma u tahay, mise qaar baa laga haystaa oo u baahan in loo soo dhiciyo? Maabdeeq caanaheeda sidee qoyska loo wada gaadhsiibayaa? Waa maxay Maandeeqda abwaanku ka hadlayaa?

Sidan Maandeeq AHN abwaan Saxardiid ugu soo qaatay waxa abwaan kale u soo qaadan karayey, faras, beer, geed, kalluun IWM. Waxa loo soo qaadan karayey dayax, qorrax/cadceed, xiddig, waaberi, iftiin, ceel biyood iwm. Marka looma baahna inaad beerta, geedka, ceelka, dayaxa abwaan ka hadlayo aad u qaadatid sidiisa laakiin waa inaad ujeeddada walxahan tusaalaha loo soo qaadanayo laga leeyahay aad isku daydaa inaad fahamto.

Waxyaalaha la yaabka leh ee aad arkayso beryahan danbe waxa ka mid qof Soomaaliyeed oo sheeganaya siyaasi ama aqoon yahan (ama labadaba) oo duraya heesta “aan maalno hesheenna Maandeeq” welibana dhibka Soomaali haystana ku sababaynaya heestaa qiimaha badan ee micnaha weyn xambaaran. Dhibku maaha heesta, ee waa fahamka khaldan iyo aqoon iyo aragti gaabnida qofkan isxariifinaya ee aqoonyahanka sheeganayaa ka qaatay heesta.

In qofkan aqoonyahanka sheeganayaa ama siyaasiga uu aragtidan gabnada ah ama gudhan la soo gole fadhiisto oo ku doodo “dawladnimadeenii baa hal la maalayo lagu meteley” isagoo hashaa la maalayo iin iyo nuqsaan u micnaystay, waa nasiib darro weyn, indho adayg iyo “anna waa i kan”.

Haduu siyaasiga iyo aqoonyahanka maanta joogaa u qaatay Maandeeqda abwaanku 1960kii ka hadlayey, neef geel ah oo reero iska soo horjeedaa kala dhacayaan si ay caanaha uga maalaan keliya, waa aragti wasakhaysan oo maskax fasahaad iyo qoqob ku biiray ka soo maaxanaysa. Maandeeqda abwaanku ka hadlayaa waa mid hal qoys oo Soomaali la yidhaahdaa lahaayeen, oo dhac kaga maqnayd muddo dheer, rag iyo dumar badani u soo dhinteen, xabsiyo u soo galeen, carruuro u jasheen, dayac badanna loo soo maray soo dhicinteeda. “Aan maalno” markuu ina leeyahay micne weyn oo waajibaadyo badan huwan ayaa la socda.

Bal hadda heestan AHN Cabdillaahi Qarshe siyaasi ku sheegga iyo aqoonyahan-ismoodka Maandeeq khaladka u turjuntay ee maanta fikirkiisa gurracan bulshada ku marin habaabinaya toloow wax micno ah ma u samaynaysaa?

“Hadhuub nin sitoo, hashiisa irmaan, ha maalin la leeyahay baah ahayeey. Nin hawd fadhiyoo, harraad dilayoo, biyaha kaga heegey baan ahayeey….”

Waxaan ku soo af meerayaa dhibta ina haysataa maaha “aan maalno hasheenna Maandeeq.” Dhibku waxa weeye in qoyskii hashaa lahaa e Soomaaliyeed ay gabeen oo ka gaabiyeen waajibaadyadii saarnaa ee ahaa inay gutaan si ay hashaa u maalaan.

W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com