Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel ay biyo ku jiraan.

Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho.

Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas.

Hase yeeshee, dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga dhigay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.

Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.

Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxay isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa sanad jir, gabadha ugu wayna waxay ahayd 10 jir.”

Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dambe ee Isniintii ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.

Aabbaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol-maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.

“Haweeneydan waxay murmeen ninkeeda. Sidaas awgeed markii uu ninkeeda shaqada aaday, waxay guriga kasoo kaxaysay lix carruur ah oo ay isu dhaleen, wayna dishay dhammaantood, iyada qudheedana qorshaheedu wuxuu ahaa inay is disho,” ayuu yiri Ashok Dudhe.

Dadka tuulada ayaa arkay Runa oo isku tuureysa ceelka. Durbadiiba way ku kala carareen waxayna kasoo badbaadiyeen ceelkii, iyagoo ula cararay isbitaalka.

“Waxaan rabay inaan is dilo kaddib markii aan lixdayda carruurta ah ceel ku riday,” ayay tiri haweeneydaas oo ay soo xigteen warbaahinta.

Booliska iyo dadka deegaanka ayaa sameeyay gurmad lagu raadinayay carruurta, balse abbaare 10-kii fiidnimo waxaa la soo saaray meydadka lixdii carruurta ahayd ee ceelka ku haftay.

Hooyada ayaa hadda wajahaysa in loo maxkamadeeyo kiis dil ah.