Haweenay ka tirsan Qoyksa Boqortooyada Bahrain oo xilkeeda ku wayday sabab la xidhiidha Dublomaasi Yuhuudi ah

Haweeney xubin sare ka ah qoyska boqortooyada dalka Baxrayn Al-Khaliifa ayaa shaqada laga ceydhiyay kadib markii ay diiday inay gacan qaado safiirka Israa’iil u fadhiya dalkaas.

Shaikha Mai Bint Mohammed Al-Khalifa, oo ah maamulaha hey’adda Dhaqanka iyo Caadooyinka ee Baxrayn ayaa la sheegay in xilka looga qaaday amar ka soo baxay Boqor Hamad Bin Isa Al-Khalifa, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Ra’yul Yoom.

Mai ayaa la sheegay inay diiday inay gacan qaado safiirka Israa’iil ee Manama,Eitan Na’eh  intii lagu guda jiray aaska aabaha dhalay safiirka Mareykanka ee dalkaas Steven C Bondy, bishii hore.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka baxday aaska markii ay ka war heshay inuu joogo safiirka Israa’iil, waxayna safaaradda Mareykanka ka codsatay in aysan faafin wax sawir ah oo ku saabsan ka qeyb-galkeeda munaasabadda.

Sida ay illo wareedyo ku sugan dalkaas xaqiijiyeen, boqorka ayaa xilka ka qaaday Mai xilli ay ku guda jirtay booqasho rasmi ah oo ay ku joogtay Albania, wuxuuna booskeeda si deg deg ah ugu magacaabay Khaliifa bin Axmed bin Cabdallah Al Khaliifa.

“Isbeddel ballaaran oo lagu sameeyey toddobaadkan gudihiisa tiro ka mid ah hay’adaha dowladda ayaa daba socda isku shaandheyntii ugu ballaarneyd ee golaha wasiirrada ee taariikhda Boqortooyada,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka dowladda.

Afhayeenka Xamaas Hazem Qasem ayaa sheegay in diidmada Sheikha Mai ee ah in ay gacan qaado Na’eh ay ka turjumeyso mawqifka dhabta ah ee dadka reer Bahrain ku taageerayaan Falastiin.

Sheikha Mai ayaa xukuumadda Bahrain ka tirsaneyd 20 sano, waxayna horey usoo noqotay wasiirka warfaafinta, waana haweenaydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Bahrayn iyo dalalk dalal kale oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa xiriir rasmi ah la yeeshay Israel 2020-kii, ayaga oo jebiyey go’doomin ay tobanaan sano Carabta ku hayeen dalka Yahuudda.