Rose waxay ahayd hooyo qabta xanuunka HIV ga, oo dhashay ilmo yar. Waxay sheegtay in walwalkii ugu badnaa uu soo wajahay markii ay ogaatay in xanuunkaas uu la soo darsay.

Balse wax walba oo ay la kulantay waxay dareentay farxad markii loo sheegay cudurku inuusan cudurku u gudbin ilmaha yar ee ay hooyada u tahay.

“Wax igama galin hadii shaqadeydii macalinimadeydii halkaas ku bur burtay, marba hadii uu caafimaad qabo ilmahayga yar, oo uu nool yahay”, ayay tiri Rose.

Xeeldheerayaasha caafimaad ayaa ku taliya in 24 saac ee ugu horeeya ilmaha la siiyo daawada loo yaqaan (ARV), hadii kale halista is qaadsiinta ee cudurkaan ayaa sii kordheysa inta lagu guda jiro dhalmada iyo kaidba.

Xanuunka HIV AIDS oo kamid ah xanuunada lagu qaado istaabashada dheecaanka ayay dhaqaatiirta qaar qabaan in lakala badbaadin karo ubadka iyo hooyada. Inkasta oo ay ku tilmaameen inay adag tahay kala badbaadin tooda inta ay uurka ku wado hooyadu ilmaha.

Fursado xanuunku ugu gudbi karo dhallaanka
“Wey adagtahay in aysan ilmaha u gudbinin xanuunka waayo xudunta ilmaha iyo tan hooyada ayaa isku xiran oo dhiggoodu ugu kala gudbaa, marka hooyada majirto sabab aysan ku qaadsiin Karin caabuqan ilmaha caloosheeda kujira”. sidaas waxaa yiri Dr Macoow Cali oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaalida ee sida joogtada ah u hawl gala.

Dhanka kale, Dr Cabdiraxmaan Cabdikariin oo ah xeeldheere caafimaad wuxuu qabaa in hooyada ay siyaabo badan ilmaha ugu gudbin karto xanuunkan.

“Hooyada uurka leh ee qabta xanuunka HIV waxa ay ilmaha ugu gudbin kartaa dhor siyaabood, waxaa kamida in ilmuhu uu ka qaado dhiigga hooyada inta uusan dhalan, labo in uu xilliga dhalmada qaadi karo iyo saddex in uu ka qaadi karo naas nuujinta”.

Ilmaha marka uu dhasho haddii uu noqdo qof la nool xanuunkan ayaa dhkaatiirtu waxa ay ku kala aragti duwanyihiin sida loola tacaali karo iyo dawada uu qaadan karo maadaama uu yahay dhallaan aan xamili Karin dawooyinka dadka waaweyn

“Ilmaha marka uu dhasho ma qaadan karo dawooyinka xanuunkan waayo tankooda ma xamili karo, waxauu la noolaanayaa xanuunkan isagoo aan heysan difaac jireed, iyadoo inta badan carruurtu ay u geeriyoodaan” sidaasi waxaa yiri Dr Macow.

Dhinaca kale Dr Cabdiraxmaan Samadoon oo ka hadlay qaadashada dawada ayaa yiri, “Haddii canugga uu ku dhaco waa in loo billaabaa dawada HIV, waayo waxa uu la dersi karaa xanuunno badan”.

Balse dhakhaatiirtaan laftooda ayaa rumeysan in laga hor tegi karo in ilmaha uu ku dhaco xanuunka inta uu ku jiro uurka hooyada,

Dr Samadoon ayaa leh, “ Haddii hooyadu daawada sifiican ay u qaadato oo cabbirka xanuunkeeda HIV-Aids-ka uu gaaro heer aad u hooseeya lana qorsheeyo qaabka ay u dhaleyso waa laga hortagi karaa in hooyadu canugga ugudbiso xanuunka”.

Waxay sidoo kale ku taliyeen in haddii labada qof ee isqaba ay ogaadaan in midkood ama labadoodaba ay qabaan HIV, waa in ay u tagaan dhakhaatiir si ay u helaan talooyin inta aysan ilmo ka beermin dhexdooda.

Dr Samadoon, ayaa sheegay in lamaanaha loo sameyn karo qorsheyn haddii mid kaliya laga helo iyadoo kan kale uu bad qabo.

“Waxaa jira lammaane midkood qabo ama uu ku dhacay xanuunkan, haddii arrintaas dhacdo waxaa jira qaabab looga hortago in laga ilaalsho gudbista xanuunka qofka aan qabin, waxaana habboon in lamanaahaasi ay la tashadaan xeeldheere yaal ku habboon arrintan”.

Lamaanaha haddii ay ogaadaan in xanuunkan uu midkood lasoo derso waxay markaa ka doodi karaan halista uu keeni karo haddii ay u baahdaan awlaad iyo in ilmuhu ku qaadi karo HIV, waxay heli karaan talo ku saabsan naas nuujinta, waxa ay sidoo kale ka hadli karaan waxa mustaqbalka loo samayn karo dhallaanka cusub si loo daryeelo marka uu xanuunkan haleelo.

Hooyada qabta HIV-ga waa inay sidoo kale raadsato talo ku saabsan naasnuujinta.