Writen by Qaran News |

Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaran Ayaa Taangiyo Nooca Biyaha ah Ku wareejisay Kaamka Barakacayaasha Qalax.

 

Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaranka Somaliland Ayaa 110 taangi oo nooca biyaha ah u qaybisay Barakacayaasha Kaamka Qalax Ee Koonfurta Magaalada Hargeysa Hay’ada BQQ Oo Kaashanaysa Hay’adda World Vision ayaa qaybinta taangiyada waxa Goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaran Mudane Cabdikariin Axmed Xinif Iyo Masuuliyiin Sar sare oo ka socday Hay’adda World Vision .

Dadka Barakacayaasha ah ee loo qaybinayey Taangiyadan biyaha Ayaa ah kuwo waqtigan u baahnaa weel ay biyaha ku shubtaan maadaama ay biyuhu yihiin Aas aaska nolosha , Masuuliyinta kala duwan ee ku sugnaa goobta wareejinta agabkan ayaa ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leeyihiin taangiyadan manta lagu wareejinayo Barakacayaasha Kaamka Qalax.

Waxaa isaguna Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaran Mudane Cabdikariin Axmed Xinif Oo Geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay haqabtirka baahiyaha Dadka Barakacayaasha iyo Qaxoontiga ah.

Gudoomiye Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif Ayaa Hadaladiisii waxay u dhignaayeen sidan

“ Taangiyadan manta aan wareejinaynaa waxay anfacayaan dadka u baahan ma odhanayno manta dadkii way wada gaadheen taangiyadu lakiin waxaanu ku dedaalaynaa in ay inta kalena helaan” .

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii waday waxa uu farriin u diray Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Barakacayasha waxaana uu ugu baqay inay gar-gaarka sii laban laabaan

“ Waxaanu leenahay hay’adaha ka shaqeeya arrimahan maaha in kaamkaa 2000 kun ee qoys ah inuu hal-hal taangi waayo waxaan jecelahay in loo dedalo dadkaa masaakinta ah annaguna waanu dedaalaynaa , baahida ugu badan ee dadkani waa biyaha iyo weelkooda marka caafimadka iyo waxbarashada laga tago aynu u dedaalo insha allaah”.

Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Qaranka Ay sidan oo kale maalintii shalay waxa ay dhagax-dhigtay 28 guri oo loo dhisayo Qoysas ka mid ah Barakacayaasha Naasa Hablood kuwasi oo loogu talagalay Dadka jilicsan ee aan lahayn Hoy iyo Gabood ay galaan , waxaana guryahani wax weyn ka tari doonaan baahida dadka Barakacayasha ah.

Dedaalada iyo waxqabadyada mudooyinkii u danbeyey ay Hay’addu ku talaabsanaysay ayaa ahaa kuwo is daba jooga isla markaasina gurmad kala duwan loogu samaynayo Barakacayasha Iyo Qaxoontiga Ku nool kaamamka kala duwan ee gobolada Dalka.