Hay’adda IAEA oo kamaradaha ilaalada ku rakibtay mid ka mida xarumaha nukliyeerka Iran+Sababta

Sawir hore oo laga qaaday xarunta Natanz ee lagu farsameeyo baraamijka hubka nukliyeerka Iran
Sawir hore oo laga qaaday xarunta Natanz ee lagu farsameeyo baraamijka hubka nukliyeerka Iran

Hay’adda caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA ayaa sheegtay inay kamaradaha ilaalada ku rakibtay xarunta Natanz oo ku taalla dhulka hoostiisa oo ay ka socdaan hawlaha nukliyeerka ee dalka Iran, ka dib codsi ka yimi dawladda dalka Iran, xilli ay haatan hakad ku jiraan dedaaladii diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo muranka ka taagan barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran.

Xarunta Natanz ayaa ah goob istaraateji ah oo ay isha ku hayaan sirdoonka wadamada reer galbeedka oo u arka in dalka Iran uu u isticmaalayo inuu ku farsameeyo hub nukliyeer ah, hase ahaatee dalka Iran ayaa ku adkaysanaya in barnaamijkooda nukliyeerku uu yahay mid nabad ku dhisan.

Dalka Iran ayaa sheegay in marar kala duwan la soo weeraray xarumaha nukliyeerka ee dalkaas sida xarunta dhexe ee Karaj, kaas oo bishii June marar kala duwan lagu soo qaaday weeraro dhinaca internetka ah. Dalka Iran ayaa weeraradaas ku eedeeyey dalka Israel. Masuuliyiinta Iran ayaa sheegay in sheegay inay shaqada ka socota Karaj u wareejinayaan xarunta Natanz. Xaruntan lafteeda ayaa marar kala duwan la beegsaday, waxaana lagu qaaday weeraro, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Iran.

Hay’adda caalamiga ah ee Tamarka Nukiliyeerka ayaa haatan bilawday inay kamaradaha ilaalada ku rakibto xaruntan nukliyeerka ee dalka Iran. Masuuliyiinta dalka Iran ayaa soo dhoweeyey tallaabadan iyaga oo sheegay inay dhammaan muuqaalada goobtan laga duubo inay iyagu gacanta ku haynayaan, oo aanay u gacan gelinayn hay’adda IAEA.