Hay’adda Shaqaalaha oo ka Hadashay Xeerka Hawlgabka ee Golaha Wasiirradu Ansixiyeen

Hargeysa(Qaran)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa soo dhaweeyey xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda oo ay maalintii Khamiistii ansixiyeen Gollaha Wasiirrada Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, oo waraysi gaar ah siiyey maanta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay hay’adda iyo shaqaalaha dawladdaba, madaama oo uu kamid yahay mabaadii’da ay ku dhisan tahay hay’adda Shaqaalaha dawladdu.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladdu waxa uu sheegay in xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladdu uu ka kooban yahay dhawr qaybood, iyada oo lagu dhisaayo hay’adda ka shaqayn doonta xaqsiinta iyo hawlgabka shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha waxa uu sheegay in qofka shaqaalaha ahi ku hawlgabi doono da’da 65-ka, iyada oo loo raacaayo xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda, waxaanu intaas raaciyey in ay jiraan xuquuq uu qofku codsan karo inta aanu da’daas gaadhin, waxa kale oo uu cadeeyey in uu qofka shaqaalaha ahi uu hawlgab codsan karo isaga oo aan gaadhin da’da hawlgabka.
Guddoomiye Khaalid Jaamac Qodax waxa uu tilmaamay in faa’iidooyinka xeerkani u lee yahay shaqaalaha dawladda ay tahay in qofku garan karo xiliga uu hawlgabaayo iyo marka uu hawlgabo xuquuqda uu yeelana karo,madaama oo aanu hore u aqoon meesha uu u gudbi doono marka ay shaqadu ka dhammaato