Writen by Qaran News |

 

 

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan

10kii cisho ee ugu danbaysay laba shaqaale bay ku dhawaaqday inay shaqadii ka eridey! Hawl yaraa shuqulku. labada shaqaale ee la eryey labada wasaaradood horumarinta maaliyadda iyo xanaanada xoolaha bay ka tirsan yihiin.

Hay’adda Shaqaaluhu, awel ma waxay u xilsaarnayd daryeelka shaqaalaha mise dibindaabyadiisa?

Cidda maanta duruufaha dhaqaale xumo, caafimaad xumo, ramadaan oo isbiirsaday qof shaqaale ah quuto yoomigi ka jaray maxaynnu ku magacawnaa? waa mid subxaan Alla!

wuxu meel kaga dhacay xuquul insaankii aasaasiga ahaa ee shaqalaha. sumcadda qaranka Somaliland oo uu ka yeelayo xukuumadda aan u tudhayn dadkeeda nugul, magacii hayadda shaqaalaha oo u muuqda mid halkii ay u hiilin lahayd caadinaysa shaqaalaha.

Tallaabadan hay’addu waa mid sharci darro ah waana dastuur jebin, waana jebinta xeerka shaqaalaha dawladda (civil Service law) xeer lam. 7/96,

cutubkiis7, qodobadiisa 25, 26 iyo 27 oo tilmaamaya anshax marinta qofka shaqaalaha ee khalad sameeya.

Anshax marinta waxa samayn kara Guddi sare oo heer qaran oo madaxweynu magacaabo oo 9 xubnood ka kooban ama Guddi heer wasaaradeed ah oo 3 xubnood ka kooban.

Ma cadda in gudiddaa heer wasaaradeed ay arrintan ka fadhiisteen. Xeerku sheegi maayo meel ay hay’adda shaqaaluhu ka soo gasho eriga iyo eedeynta qof shaqaale wasaaradeed ah.

Waxad moodda inay hay’addii shaqaaluhu hayso shaqo xuuraan oo ka habboonaa hay’daha nabadgelyada.

Hay’adda shaqaluhu miyirkii ha soo ceshato, hana joojiso xuuraanka iyo cabsigelinta ay kula kacayso shaqaalaha masaakiinta ah ee waxay dawladda ka qaataanba aanay daboolin kirada guriga qofku deggan yahay.

W/Q:Xildhibaan Cabdiraxman Yuusuf Cartan

 

 

Has the Civil Service Agency Done? Or is it coming?

 

MP Abdirahman Cartan

In the last 10 days, two employees have announced that she has fired! A little effort at work. The two sacked ministers are members of finance development and animal welfare.

Did the Labor Force take responsibility for the welfare of the staff or the relocations?

Who do we call today, in the face of economic hardships, poor health, and the greed of a worker who cut his staff? God is my Lord!

He has violated the basic human rights of workers. Somaliland’s national reputation over the government that does not spare its vulnerable people, the name of the labor organization seems to be rather than the norm.

This action is illegal and is a violation of the civil service law. 7/96,

chapter 7, articles 25, 26 and 27 that describe discipline of an employee who makes a mistake.

The disciplinary action can be set up by a 9-member national executive committee or a three-member ministerial committee.

It is not clear whether the committee at the ministerial level sat down on this issue. The law does not say where the employee agency enters the dismissal and accusation of a department employee.

It seems that the union has a better job than the security agencies.

The union should recover consciousness, stop the harassment and intimidation of poor workers and take no government cover for rent.

MP: Abdirahman Yusuf Cartan

 

Translated by qarannews