Qaadka Kenya goormee la geynayaa Soomaaliya?

Uhuru iyo Xasan Sheekh

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudd ayaa maanta booqasho Rasmi ah ku yimid dalka Kenya halkaas oo uu kulamo kula yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.

Kulankaasi ka dib labada hogaamiye ayaa shir jeraa’id qabtay waxaana lagu shaaciyay heshiis 11 qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in qaadka Kenya sida ugu dhakhsiyaha badan.

Iyadoo sidoo kale la sheegay in muddo laba toddobaad gudohood ah ay ku dhaqan galaan. Soomaaliya ayaa badalka qaadka Kenya geyn doonta kalluunka Soomaaliya.

Qodobbada kale ee lagu heshiiyay

In la iska kaashado arimaha Amaanka gaar ahaan la Dagaalanka Al-shabaab Xogaha Sirdoonka la isdhaafsado Xuduudahana la isku furo.

 In danaha labada dal si wadajir ah looga shaqeeyo.

 In la Ixtiraamo madaxbanaanida iyo in la iska kaashado arrimaha bini’aadantinimada.

Kenya ayaa waxa ay ogolaatay in dib loo bilaabo Duulimaadyadii Shirkada Diyaaradaha Kenyan Airweys ee horay loo hakiyay.

Waxaa la fududeeyay Caqabadihii ka jiray Visaha Kenya gaar ahaan waxaa loo fududeeyay Masuuliyiinta Dowlada, dadka heysta Baasaboorka Diblomaasiga iyo kuwa heysta Service Passport-ka.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay in dadka heysta Passporka Caadiga ah muddo 10 maalmood ah lagu siiyo Fiisaha.

 In guddi ka shaqeeya dhaqan galinta heshiiska ay kulmi doonaan Bisha Soo socoto ee Ogosto.

Sida ay horey u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya khasaare lixaad leh ayaa ka gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.Jaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo uu u ahaa dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la’aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

Maxaa Soomaaliya ka dhigay suuqa kaliya ee qaadka Kenya la geeyo?

Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaqan galay mamnuucid lagu soo rogay qaadka oo ay u aqoonsatay inuu ka mid yahay waxyaabaha maanka dooriya ayna isticmaalaan bulshooyinka dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Yemen.

Dowladda Britain ayaa sheegtay xilligaas  in mamnuucidda qaadka ay UK la jaanqaadi karto dalalka kale ee Yurub oo uu ka mid yahay maaddooyinka laga ilaaliyo dadka.

Qaadka Kenya ay u dhoofin jirtay UK waxaa sanadkii ka soo gali jiraty lacag dhan 7.5 milyan oo doolar.

Dadka ku nool gobolka Meru ee dalka Kenya ee uu ka baxo qaadku, ayaa xilligaas ka muujiyay walaac la xiriira saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta joojinta qaadka.

Tallaabadaas ay qaadday dowladda Ingiriiska, sanadkii 2014-kii ayaa Meesha ka saartay dhaqaale badan oo ay heli jireen ganacsatada qaadka, waxaana soo xirmay suuqii ugu weynaa ee qaadka Kenya loo dhoofin jiray.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa xilligaas ugu baaqay dawladda Ingiriisku in aanay mamnuucin isticmaalka qaadka hase yeeshee arrintaa UK dhaq jalaq umaysan siin.

Intaa wixii ka dambeyay dalka Soomaaliya ayaa Kenya u noqday suuqa kowaad ee jaadka loo iib geeyo isla markaana laga helo dhaqaale tiro badan.

Cadaadiska ganacsatada. Ganacsatada gobalka Meru ee dalka Kenya oo ah halka qaadku uu ka baxo ayaa dowladda cadaadis ku saarayay tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya, in arrintaa ay wax ka qabtaan oo ay ku wajahaan xal horseed u noqon kara in mar kale loo daabulo qaadka Kenya gudaha dalka Soomaaliya.

Ganacsatada qaadka Kenya, ayaa sheegay in kalluunka ugu badan uu Kenya uga yimaadaa Shiinaha, taasi oo ay sheegeen in aysna jirin sabab kalifi karta maadama Soomaaliya ay ka soo dhoofsan karaan kalluun.

“Ma jirto sabab aan Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayaan ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar,” ayuu yiri Kimathi oo ah guddoomiyaha ururka beerlayda qadaka.

Dhaqaalo la’aanta dunida

Dunida waxaa saameyn ba’an oo dhanka dhaqaalaha ku yeeshay Coronavirus oo sababay xayiraado lagu soo rogay dalalka dunida.

Sidoo kale  waxaa xaaladda uga sii daray dagaalka Ukraine iyo Ruushka  oo dhaliyay sicir-barar saameyay nolasha dadyowga caalamka.

Labadaan caqabadood ee Coronaha iyo dagaalka Ukraine iyo Ruushka, ayaa mar kale Kenya uga dhigaya arrin muhiim ah in heshiis laga gaaro arrinta qaadka oo labada dowladood ay raadiyaan xal rasmi ah si ganacsatada Kenya ay ugu suurtasho helitaanka dhaqaalihii tirada badnaa ee markii horaba ka soo gali jiray.