WAA CUSUB IYO WAJI NABADEED OO ETHIOPIA, GEESKA AFRICA IYO GUUD AHAAN QAARADA AFRICA U BARYEY.

Waxaa magaalada Pretoria ee dalka koonfur Africa lagu gaadhay heshiis hordhac ah oo u dhexeeya TPLF iyo ETHIOPIA oo markii ugu horeysay si lawada og yahay kulan isugu hor fadhiistay dalkaasi.

Hore ayaa kulamo qarsoodi ahi uga dhaceen dalka Djibouti iyo Seychelles kuwaasi oo loogu gogol xaadhayey is-faham ( memorandum of understanding) ay yeeshaan dhinacyadu .

Engaygii nabada ee midowga Africa u xilsaaray ayaa ku tilmaamay heshiiskani waa cusub oo nabadeed oo u baryey Ethiopia, Geeska Africa iyo guud ahaan qaarada Africa heshiisyadani oo hordhac ah ayaa la isla qaatay.

1- Joojinta xabadii iyo colaadii labada sanadood xukuumada Ethiopia iyo Tplf ka dhaxaysay.

2- Soo celinta maamulkii iyo kala dambayntii gobolka Tigray.

3- Gaadhsiinta adeegyadii dawladeed iyo gargaarkii binu-adanimada oo dhibaato ka haystay dad 4 milyan milyan ka badan.

4- in la sii wado wadahadalada iyo fulinta waxyaabaha lagu heshiiyey .

Heshiis nuxuriisa ugu weyni yahay intani ayaa lagu gaadhay magaalada Pretoria ee dalka koonfur Africa.

Dhinacyada waxaa kala metalayey wufuud ay kala hogaaminayeen Getachew Reda ( Tplf ) iyo Ridwan ( Dawlada Ethiopia) waxaana uu u muuqdaa in la gaadhay xiligii la soo afjari lahaa colaada laba jirsatay ee waqooyiga Ethiopia oo ay ku barakeceen malaayiin qof ,boqolaalkuna u tabaaloobeen wax dhintay iyo wax dhaawac iyo dhibaatooyin soo gaadheen.

Runtii lagama fileyn maamulka uu hogaamiyo Abiy Ahmed in ay talaabadan qaadan karaan , laakiin waxaa muuqatay in maanta wax badani isbadeleen oo la qaaday jidkii nabada iyo dib u heshiisiinta.

Mohamed Abdi Jama
(Mohamed Dhimbiil)

hormood@hotmail.com