Writen by Qaran News |

HIRDANKA XAQA IYO BAADILKA- SHALAY IYO MAANTA (QAYBTA 2AAD)

Buugga: “Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka) Bogagga: 187-191

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)

Taariikhda hirdanka xaqa iyo baaddilka

 

Taariikhda Islaamku waxa ay la kowsatay soo diristii Nebi Muxammed –scw-, in kasta oo dhammaan diimihii hore ee Alle Aadanaha u soo dejiyey ay Islaamka ku ismanaayeen, haddana Nebi Muxammed waxa la soo diray xilli bulshadii degganayd dhulka barakaysan ee kacbadu ku taallo ay u xuub siibteen bulsho sanamcaabud ah, oo wadaajinta cibaadada ku talaxtegay.

Sidoo kalena dhaqan iyo akhlaaq ahaan aad uga durkay fidradii Alle ku abuuray dadka ee toosnayd iyo weliba diintii Nebi Ibraahim.

Aayadda 163aad ee suuradda Alancaam ayuu Nebigu –scw- ku caddeynayaa in uu yahay Muslimkii koowaad – ee ummaddiisa dabcan-.

Nebi Muxammed-scw- kolkii la soo diray waxa uu ka bilaabay dacwaddiisa labadaas arrimood ee kor ku xusan in uu toosiyo, kuwaasoo kala ah:

  1. in uu tawxiidka iyo kelinnimada Alle dadka gaadhsiiyo oo garowsiiyo.
  2. in uu anshaxa bulshada toosiyo oo wanaaggeeda dhammaystiro.

Heerka gaalnimo iyo gurraca akhlaaqeed ee ay bulshadaasi gaadhay, waxa ay ahayd mid uu Ibliis maalgashaday oo ka midho dhaliyey, in dib loo toosiyo bulshada oo Alle loo celiyaana waxa ay ka dhignayd in raasamaalkiisii la burburinayo.

Sidaa awgeed, dacwaddii Nebi Muxammed ee ahayd “Waar Alle keligii caabuda oo rumeeya waad liibaanaysaane”, waxa lagala hor yimi dagaal adag oo heerar kala duwan maray.

              1. Ugu horreyn waxa la isku deyey in dacwaddiisa dood lagu buriyo, oo muran laga horkeeno.
              2. Waxa kale oo la adeegsaday in shakhsiyaddiisa iyo fayaqabkiisa maskaxeed la duro, iyada oo lagu sheegayo in uu waalan yahay iwm.
              3. Waxa loo gudbay in waxa uu la yimi ee Quraanka ah lagu sheego khuraafaad uu ummadihii hore ka soo urursaday, isla markaana saamaynta uu dadka ku yeelanayo lagu tilmaamo sixir iyo falallow.
              4. Intaasiba markay shaqayn waydey, lana arkay in ay dacwaddiisu maalinba maalinta ka danbeysa soo xoogaysanayso, waxa la bilaabay in dadka raacaya gacan loola tago oo la ciqaabo, ilaa qaarkood nafta laga jaray oo ay shahiideen.
              5. Waxa la isku deyey in la laaluusho Nebiga –scw- oo ballamo loo qaado, lagana codsado in uu dacwadda joojiyo.
              6. Taasina kolkay socon wayday, waxa loo gudbey in la cuna qabateeyo Nebiga tolkii iyo dhammaan ciddii xaqa ku raacday, saddex sannadood ayay ku jireen go’doomin ilaa ay saamaha cuneen oo dhibaato badani soo gaadhay.
              7. Ugu danbeyn markii heshiiskii dulmiga ahaa ee lagu go’doomiyey Muslimiinta, Nebiga iyo raaskiisu burburay ee dacwaddiina sii xoogaysatay, waxa la go’aansaday in shakhsiyadda Nebiga la beegsado oo isaga laftiisa laga takhalluuso, la dilo oo gacan midaysan oo dhammaan jifooyinka qurayshi ka kooban tahay ku dhan yihiin lagu dilo, si dhiiggiisa loo filqo oo raaskiisu ay garan waayaan cid ay u qabsadaan ka dibna ku qasbanaadaan in ay mag iska qaataan.
              8. Tan danbena laguma guuleysan, waxase ka dhalatay in Alle uu amro Nebi Muxammed in uu hijroodo oo xarunta dacwadda u wareejiyo magaalada Madiina.
              9. Madiina lagagama hadhin Nebiga iyo dacwaddiisii ee colaaddii Reer Maka halkeedii ayay ka sii socotay, oo weerarka iyo duulaanka noocyada kala duwan lihi ma demin, sidoo kale furin cusub oo Yuhuud iyo Munaafiqiini hoggaaminayaan ayaa kaga furantay isla magaalada Madiina gudaheeda.
              10. Waxa iyana jirey furimo colaadeed oo dhinacyo kala duwan kaga furmayey, ujeeddooyin kala durugsanna lahaa, kuwaasoo ay Nebiga iyo Saxaabaduba waajahayeen.

Waxaas oo colaad ahi ma joojin faafintaanka Islaamka iyo dhismaha awood dawladeed oo uu Nebi Muxammed-scw- ka hirgeliyo gobolka Xijaas, isaga oo ugu danbeyntii gacanta ku dhigay inta badan dhulkii la odhan jirey Jasiiradda Carabta.

In uu Islaamku cago adag isku taagay, dhul ballaadhan ku faafay, dad badan oo rumaysan yeeshay, kama ay joojin in la isku dayo in dib loo dumiyo oo nuurkiisa la damiyo.

Isla markii uu Nebigu geeriyooday ba waxa dhacay kacdoon gudaha ah oo dad badan iyo qabiilooyin xoog badan oo hore Islaamnimo u qiray ayaa qaarkoodna dib u gaaloobeen, qaar kalena isku dayeen in ay Islaamka kala dhantaalaan, oo sakada diideen.

Weerarka iyo gujadu ilaa wakhtigaas Islaamku hanaqaaday ilaa maanta ma kala go’in, weerarkuna hadba dhinac ayuu ka imanayey, hadba weji ayuu la soo baxayey, mana dhici karto inta dunidu jirto in uu istaago, waayo is caabbinta xaqa iyo baaddilku waa sunnada kawkani ku taagan yahay.

La soco……

Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)

Tubtatoosan02@gmail.com