History repeats itself ( Xukunkii Dharkayn Dalaaq).

Markay Muuse Biixi iyo askarta saldhig yadda jooga ee ururiyey Hablahan ay isku xaafad ( Reer Samater) waa dhaqan soo jireen ah in xaawalay isku hayb ah hal mar xukun ciqaabeed ayna mutaysan oo adduunyo ku lug leh lagu wada qaado.
Hore waxaa u dhacday in 50 hablood oo isku hayb ah ( Ciidagale) in Gudoomiyihii Beesha reer Samater gudoonshay in goob lagu wada furo sabab tuna ahayd in ay xili abaar baahsani dhacday in hablahaasi reerahoodii xoolo ka soo waayeen. Waxaa la sheegay in hal nin diiday go’aankaa, 49 na qaateen kuna fureen geedka loo bixiyey Dharkayn Dalaaq oo ku yaal meel Salaxley Koonfur ka xigta ilaa 30 mayl oo xadka ka koraysa.
Ceebta goobta ka raacday beeshaasi way iska guurtay oo Calaydh bay degtay.
Maanta oo Muuse Biixi Somaliland iyo reerkii reer Samater ba xukumo ciidan beeleed garana samaystay horena Sarkaal u adeega gabadh fagaare ugu ugu durduriyey, waxaa maanta uu go’ aamiyey sidii dharkayn Dalaaq in 22 hablood oo mid keliyihi ka hayb duwan tahay ciqaab wadareed lagu qaado oo jeelka Gabiiley uu ku xareysto.
Hablahaa Muuse Biixi halkii Dharkeen Dalaaq buu mariyey hal marna isku xidhay hablaha as sooca ah sabab la xidhiidha cadho xukun jacayl ka kacday.
Haddayna sidaas ahayn Muuse Biixi reer Samater ha qabto!

Waxa Qoray:-

Mohamoud AW Hassan Arrale
May be an image of text