Writen by Qaran News |

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka degay dalka Singapore isaga oo halkaas kulan kula leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Salaasada.

Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qudha oo lagu beegsan karo” nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay.

Washington waxay rajaynaysaa in shirkan uu noqon doono billawga qorshaha uu Kim kaga tanaasulayo hubkiisa nukliyeerka ah.

Xidhiidhkii labadan masuul soo dhexmaray 18kii billood ee u dambeeyayna wuxuu ahaa mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Mar bay isugu hanjabeen dagaal lagu halaagamo, haddana waxay go’aansadeen in ay is hor fadhiistaan.

Labada masuul waxay la kulmi doonaan ra’iisulwasaaraha Singapiore Lee Hsien Loong ka hor inta aysan yeelanin kulan fool ka fool ah.