Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka oo aan ka qeybgelin Xafladii Qalinjebinta Ardayda Jaamacada Hargeysa+Sababta

Madaxda Mucaaradka Somaliland ayaan saaka joogin xafladda qalinjabinta jaamacadda Hargeysa oo uu ku sugnaa Madaxweyne Biixi, ka dib markii Xukuumadda Muuse Biixi amartay in aan lagu casuumin.
Sannad kasta madaxda Mucaaradka iyo Muxaafidkuba way ka soo wada qaybgali jireen xafladaha jaamacadda Hargeysa, balse Xafladan maanta Madaxweyne Biixi ayaa keligii dalbaday in uu joogo.