Hoggaamiyihii Wegnarka oo dib ugu Noqday Ruushka

Noscow(Qaran)-Hoggaamiyihii calooshood u shaqaystayaasha Ruushka Yevgeny Birogooshin ayaa la sheegayaa inuu ku noqday dalka Ruushka sida uu maanta oo khamiis ah warbaahinta u sheegay madaxweyna dalka Belarus Alexander Lukasheenko.

Birogooshin ayaa heshiis kula galay dalk Ruushka inuu fadhiisin ka dhigto dalka Belarus, balse illaa hadda ma cadda sababta uu u tagay dalka Ruushka. Madaxwynah Belarus ayaa intaa ku daray in dagaalyahannadii Waagnarka uu hadda joogaan fadhiisimadoodii dhulka Ruushku haysto ee bariga Ukraine isaga oo intaa ku daray in dalabkiisii ahaa inuu ku martigalyo Belarus uu wali taagan yahay.

Brigooshin oo da’diisu caga-cagaynayso 62 jir oo noqday ninkii abid ugu awoodda badnaa calooshood u shaqaystayaasha RUushka ayaa markii u danabaysay meel fagaare ah lagu arkay markii uu ka ragay magaalada Rostovon oo ku taalla koonfurta Ruushka halkaasoo ciidamadiisu muddo kooban haysteen kadib markii ay ka fallaagoobeen maamulka ciidamada Ruushka ee dalkaasi bishii inna dhaaftay dhammaadkii bishii hore

Israa’iil oo Duqeysay Lubnaan

Lubnaan(Qara)-Israaiil ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay inay duqaysay koonfurta dalka Lubnaan kadib markii gantaal lagaga soo riday halkaasi ku qaraxay xuduudda u dhaxaysa labada dal.

Hawl-galkii millatari ee ugu danbeeyay ee halkaasi ka dhaca ayaa ahaa muddo 3 bilood ah ka hor kadib markii labada dal iskaga hor yimaaddeen iska hor-imaadkii ugu xumaa mudddo shan sano ah.

Arrintan ayaa sidoo kale imanaysa iyada oo xiisadda u dhaxaysa dalalka Carabta iyo Israaa’iil ay kacsan tahay kadib markii Israil ay gulufkeedii ugu weynaa muddo sannado ah ku qaadday daanta galbeed ee la haysto iyada oo bartilmaameedsanaysa xerada qaxoontiga ee Jenin.

Xeradan ayaa ah meel dadku aad ugu badan yihiin isla markaana ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada falastiiniyiintu.

Masuuliyiinta dalka Lubnaan ee koonfurta dalkaasi ayaa sheegay in weerarka iyo duqaynta ay Israil ka gaysatay dalkaasi aanay sababin wax khasaar nafeed ah. Geesta kale wakaaladda wararka ee dalkaasi Lubnaan ayaa sheegtay in Ciidamad Israil ay ku dhawaad 15 gantaal ku soo rideen goobaha ay degganyihiin dadeynuhu.

Labadan dal ayaa wali si farsamaysan uu uga dhexeeyaa dagaal waxaana xuduudda labada dal ku sugan oo gaaf-wareega ciidammada nabad ilaalinta qaramada midoobay ee UNIFIL (United Nations Interim Force in Lebanon)

Pakistaan oo Xidhay muwaadiniin dalkeeda u Dhashay oo u Shaqo Tagay Israa’iil

Hargeysa(Qaran)-Dawladda Pakistan ayaa xabsiga u taxaabtay shanka mid mah muwaadiniinta dalkaasi kuwaasi oo lagu eedeeyay inay shaqo u tageen dalka Israa’il, taasoo ka hor imanaysa shuruucda dalkaasi sida ay sheegtay hay’adda danbi baadhinta ee dalkaasi

Pakistan ayaan iyadu aqoonsanayn jiritaanka dalka Israa’iil waxaanay ku baaqdaa dal ay leeyihiin falastiiniyiintu oo madax bannaan kaasoo ku fadhiya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay iyo waliba xuduudihii ka horreeyay dagaalkii 1967kii kaasoo ay magaalada Qudus u tahay caasimad. Sidaa daraaddeed iyada oo aanu jirin xidhiidh diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal, muwaadiniinta Pakistan uma safri karaan Israil iska daa inay halkaa ka shaqeeyaane.

Af-hayeen u hadlay Waaxda danbi baadhista ee dalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta Arabnews in hawlgalka lagu soo qabtay shannta qof oo la tuhunsan yahay la soo bilaabay bishii hore kadib markii ay masuuliyiintu ay ka qaadeen waraaqaha lacagta laysugu diro kadibna ay heleen caddaymo muujinaya inay Israil ka shaqaynayeen muddo sannad ah.

Af-hayeenkan ayaa intaa ku daray in ay raggani lacagta u soo dirayeen dalka Pakistan iyaga oo adeegsanaya xawaaladda caalamiga ah ee Western Union Money transfer Service.