Ibraahim Dhegaweyne oo ku baaqay in ragga Buurta fuulay laga daba-tago oo la qanciyo
Hargeysa(Qaran news)- Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego weyne) ayaa ku baaqay in laga daba tago oo la qanciyo dadka buurta fuulay, si aan dagaal u dhicin.
Ibraahin Dhegoweyne oo la weydiiyay inuu marna talo ugu tagay Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku gaabsaday inaanu u tagin isla markaana aanay jirin wax talo ah oo uu la leeyahay.
“Dalku talo ayuu u baahan yahay iyo in lala hadlo oo laga daba tago ciidankan la urursanayo haddii aan la gaadhin soo dagaal dhici maayo,” ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne.
Waxa uu sheegay in maanta aanay dalka daweynayn Doorashada Faratoon.