Writen by Qaran News |

ICJ oo War cusub ka soo saartay Dacwadda Muranka Xuduudaha Badda ee u dhaxeeya Somalia & Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa lagu wadaa in maanta 3:00PM ay soo saarto xukunkeeda ku aaddan, muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Labada dalba waxa ay sheeganayaan lahaanshaha 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaal Badweynta Hindiya, halkaas oo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal.

Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee maanta 3:00PM aysan waxba iska beddelin