Iiraan oo ku dhawaaqday go’aan Hindiya ka nixiyey

Madaxda Iiraan iyo Hindiya

Waddan kasta waa loo oggol yahay in uu ku biiro isbahaysiga BRICS ee ay ku jiraan dalalka Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika. Iiraan ayaa ku dhawaaqday go’aan ku saabsan inay ku biirayso ururkaas. Laakiin tallabadaas ma aha mid u fiican Hindiya.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa tebisay in xukuumadda Tehran ay gudbisay codsiga ay ku dalbanayso ku biirtaanka BRICS.

Go’aanka Iiraan ayaa hadda laga fiirsanayaa waxaana suuragal ah in uu hirgalo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh, ayaa sheegay in xubinnimada Iiraan ee BRICS ay noqon doonto mid faa’iido ugu jirto labada dhinacba.

Codsiga Iiraan mid la mid ah waxaa gudbisay dowladda Argentina oo danaynaysa inay iyadana ku biirto ururkaas.

Wakaaladda Wararka Tass ee laga leeyahay Ruushka ayaa qortay: “Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan wuxuu ku dhawaaqay in codsiga horay loo gudbiyay, sidaas awgeedna uu madaxweynaha Shiinaha shirkii BRICS ugu casuumay madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi, si uu khudbad uga jeediyo halkaas.”

Shirkii 14-aad ee waddamada ku bahoobay BRICS ayaa dhacay 23-kii ilaa 24-kii bishan June.

Waxaa shir guddoomiynayay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, martiqaadkiisana waxaa uga qayb galay hoggaamiyaha Iiraan.

Inta uu socday shirka, Ibrahis Raisi waxa uu jeediyay khudbad uu uga hadlay saamaynta ka dhalatay cudurka safmarka ah ee Covid-19, isbaddalka cimilada, ismariwaaga dalalka adduuka ee ku saabsan nabadda caalamka iyo xiriirka.

Madaxweynaha Iiraan, Ebrahim Raisi

Waxyaabaha ay filanayaan waddamada xubnaha ka ah ururka BRICS ayaa sidoo kale looga hadlya shirka dhacay 23-kii bishan.

Maxay tahay dhibaatada qabsanaysa Hindiya?

Horay waxaa u jirtay hadal-haynta ku saabsan dalalka cusub ee kusoo biiri doona isbahaysigan.

Balse siyaasadaha Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhanka ah reer galbeedka iyo Hindiya oo saaxiib la ah Mareykanka, kana mid ah ururka ay Washington taageerto ee Quad, ayaa xiiso u yeelaya xubinnimada Iiraan.

Saamaynta ka dhalanaysa ku biiritaanka Iiraan ma noqonayso oo keliya mid si guud ugu ekaanaysa BRICS balse waxa ay xitaa si gaar ah u taaban doontaa siyaasadaha arrimaha dibadda ee Hindiya.

Delhi ayaa ku dadaasha in ay isku dheellitirto xiriirka ay la leedahay Mareykanka iyo Ruushka oo si wayn isaga soo horjeeda.

Arrinta ayaa faraha kasii bixi karta marka ururkan ay lugaha lasoo gasho Iiraan, horayna waxaaba hoggaanka ugu hayay Shiinaha oo uu xifaaltan wayn kala dhaxeeyo Washington.

Khubarada ayaa aaminsan in xaaladdu ay isu baddali karto mid ku adkaata Hindiya, suuragalna ay u noqon wayso in siyaasaddeeda arrimaha dibadda ay xor ahaato.

Madaxda Shiinaha iyo Hindiya

Waxaa laga yaabaa in tallaabada Iiraan ay sababto hoos u dhaca muhiimadda uu leeyahay ururka BRICS. Balse waxaa kale oo jirta saadaal ku aaddan in ay xoogaysato mudnaanta uu Mareykanku siiyo Hindiya.

Harsh Pant, oo ah barfasoor ka tirsan Jaamacadda King’s ee magaalada London ayaa yiri: “Hadda ayay arrintu noqonaysaa mid isha lagu wada hayo. Hindiya iyo Brazil waxay u muuqdaan in aysan ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan, maadaama xiriirka Iiraan iyo Mareykanka uusan wanaagsanayn, taasna ay sii dheertahay in Tehran ay la daalaadhacayso cunaqabataynta Washington.”

Iyadoo ay jirto cunaqabatynta ayay Hindiya saliid kasoo iibsataa Ruushka iyo Iiraan.

Barfasoor Bhardwaj ayaa sheegay in Iiraan ay muhiim ugu tahay Hindiya si la mid ah sida uu Mareykanku muhiim ugu yahay.