ILAAHAY ADOOMAHA KIBRA
UUMA UUR NAXO.
========================
Akhlaaq xumada soo daahirtee
Aasha soconeysa
Iyo edeb darrada suuqa timi
Waa inkaar culuse
Ubadkaa dayacan ee ka baxay
Ogobe xayndaabka
Ee sida ugayb soo dhergey
Abasax loolaaya
I arkaay, maqlaay ceebahaas
Ooda laga qaaday
Ugaaskii lahaa baylahdaas
Aahe dhibi weydey
Aqoonyahanki doorsoonkan uu
Kuba ajoon waayey
Ifafaale weeyaan madaw
Waana amakaage
Illaahbaan ku dhaartee hadaan
Olole loo feydan
Adinkiyo hadaan laysku darin
Uurkoo laga diido.
Albaabkaas hadii aan la xidhin
Oon ooda lagu giijin
Abaarbaynu hadalhayney
Omoski jiilaale
Uumi iyo hadii boodh la qabey
Aamusbaa xigiye
Arladoo la gooyaan ka baqan
Aabudh iyo Hoose
Illaahay adoomaha kibra
Uuma uurnaxo’e
Iyagoon ogeynbuu marqudha
Aadanow qabane
Aargoosigiisuna ka kulul
Aadkastoo kulule
Awoodiisa lama koobi karo
Eebahay magane
Erey laguma qeexiyo tilmaan
Oday ka sheekeeye
Irko noqosho iyo laabasho
Eebe lagu tuugo
Astaqfurula uunbaa ka furan
Eebe naga dhaaf.
M.shukri