Writen by Qaran News |

Imaaraadka iyo Isra’il oo Heshiis Xasaasi ah gaadhay+M/weyne Trump oo ka hadlay

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israel ay isku raaceen inay sameystaan xiriir diblomaasiyadeed, kaasi oo qeyb ka ah heshiis ay Israel ku hakineyso goosashada dhulka Daanta Galbeed.

Arrintan ayaa ka dhigeysa Imaaraadka Carabta dalkii ugu horreeyey oo ka mid ah kuwa Khaliijka, iyo dalkii saddexaad oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeesha Israel. Israel ayaa horey xiriir ula lahayd dalalka Masar iyo Jordan.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay warsaxaafadeed kasoo baxay labada dal, oo ay ku xaqiijinayaan heshiiska.

Trump wuxuu weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad inay tahay “daqiiqad taariikhi ah.”

“Maadaama hadda laga gudbay xujadii, waxaan filayaa in dalal badan oo Carab iyo Muslim ay ku daydaan Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri Trump.

Xiriirka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa guul naadir oo diblomaasiyadeed u ah Trump ka hor doorashada madaxweynaha ee dhaceysa bisha November.

Sarkaal sare oo Falastiini ah, Hanan Ashrawi ayaa dhaliishay heshiiska, waxayna qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku sheegtay inuu sii dheeraynayo haysashada Israel ee Daanta Galbeed.