Imisa tallaabo oo socod ah ayaad u baahan tahay maalin kasta?

Oday lugeynaya

Ma jiro jimicsi ka fiican socodka. Socodku waa furaha jir caafimaad qaba. Oraahdaan waxa laga maqlaa inta badan fasallada waxbarashada jir-dhiska ee dugsiga dhexe. Qof kasta wuu ogyahay in aan soconno ugu yaraan waqti maalintii.

Maalmahan, haddii aad subaxdii lugayso magaalooyinka, waxaad si fudud u arki kartaa tirada sii kordhaysa ee dadka lugaynaya. Tan kaliya ma aha, laakiin bulshooyinka oo isugu jira dad da’ yar iyo kuwo waaweyn ayaa lugeeya xilliga cashada kaddib.

Khubarradu waxay aaminsan yihiin in socoshada ugu yaraan 100 tallaabo, kaddib markaad cashayso, ay hagaajinayso caafimaadkaaga guud.

Hadda waxaa jira qalab kala duwan oo lagu cabbiro inta tallaabo ee uu qofku socdo maalin kasta. Waxaa jira saacado casri ah iyo apps telefoonnada gacanta lagu haysto. Marka tirada 10,000 lagu arko mobile-ka dadka isticmaalaya app-kan, farxad ayaa ka muuqanaysa wejiyadooda, sababtoo ah socodka 10 kun oo tallaabo maalintii ayaa loo tixgeliyaa bar-tilmaameed wanaagsan oo dhanka caafimaadka ah.

Si kastaba ha ahaatee, saacadahaan waxaa kale oo ay leeyihiin naqdin badan, oo mararka qaar lama oran karo waa sax waxa ay sheegayaan.

Haddii aad tirinayso tallaabooyinka, intee tallaabo ayaa muhiim ah? Inta badan qalabka saacadaha ah ee lagu tiriyo tallaabooyinka waxay leeyihiin bar-tilmaameed aan toos ahayn oo ah 10,000. Tani waa tiro aad muhiim ugu ah kuwa xisaabiya socodka maalinlaha ah.

socodka malain kasta ah  jirka ayaa ka hela caafimaad

Markaas si dabiici ah, waxaad u malaynaysaa in cilmi-baaris badan ay ku baxday ogaanshaha tirada saxda ah ee tallaabooyinka ay tahay inaad qaaddo iyadoo ujeedku yahay raadinta caafimaad.

Sawirka ku saabsan 10,000 oo tallaabo wuxuu ku dhashay olole suuqgeyn ahaa oo la sameeyay dhowr maalin ka hor ciyaarihii Olombikada Tokyo ee sanadkii 1964-kii.

Shirkad ayaa soo saartay Pedometer-ka oo ah saacad lagu xisaabiyo qaadista saamaha ama tallaabooyinka. Qalabkaan ayaana caan noqday maaddaama adeegsigiisu uu batay.

Tan iyo markaas, cilmi-baarisyo kala duwan ayaa is barbardhigay 5,000 oo tallaabo ah iyo 10,000 oo tallaabo. Dabcan, tirada badan ayaa guuleysatay. Laakiin, ka warran tirooyinka u dhexeeya labadan lambar? Ilaa hadda laguma sameyn cilmi-baaris.

Ai-Min Lee, oo ah aqoonyahan ku takhasustay cilmiga caafimaadka oo la shaqeysa kulliyadda caafimaadka ee Harvard ayaa iyada iyo saaxiibbadeed waxay  cilmi-baaris ku sameeyeen 16,000 oo ah haween ay da’deedu gaarayso toddobaatameeyo.

Cilmi-baarayaashu waxay isku dayeen in ay oggaadaan xiriirka ka dhaxeeya socodka iyo cimri dheerarka. Haweenka ayaa la weydiistay inay xirtaan pedometer-ka muddo toddobaad ah.

Qiyaastii 4 sano iyo 3 bil kaddib, cilmi-baareyaashu waxay qaateen xogta haweenkan. Waxaa ku jira 504  haween ah oo geeriyooday. Immisa tallaabo ayaad u malaynaysaa in kuwa nool ay socdeen maalin kasta? Dhab ahaantii, haweenka nool waxay socdeen celcelis ahaan 5,500 oo tallaabo, waxayna warbixintu muujinaysaa in kuwa socday iyo kuwa aan sameyn socodka badan uu u dhaxeeyo farqi.

Dumarka qaarkood waxay socdeen tallaabooyin wakhti yar

Haddii aad aaminsantahay in socodka dheer aad ku helayso cimiri dheeri, waxarbixintu waxay soo jeedinaysaa inaad aad joojiso sababtoo ah sax ma aha aragtidaas. Laakin in socodku uu jirka caafimaad u yahay waa arrin la isku wada raacsanyahay.

Xaqiiqdi cillad baa ku jirta cilmi-baaristan. Ma oran karno dumarkii dhintay cudurro uma dhiman ee waxay u dhinteen socodkii yaraa. Cilmi-baarayaashu waxay daraasadda ku soo dareen kaliya dumarka kuwaas oo socon kara meel ka baxsan guriga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale suurtogal ah in qaarkood ay awoodeen inay socdaan. Laakin, waxa laga yaabaa in aanay aad u dheerayn.

Si kale haddii loo dhigo, dumarka qaarkood waxay socdeen tallaabooyin wakhti yar, sababtoo ah horeba way xanuunsanayeen, dhibna ma laha inta tallaabo ee ay socdeen.

Xilliga cashada waxaa dhaqaatiirtu ku taliyaan in ila aboqol tallaabo qofku qaado.

Hal shay oo daraasaddan lagu ogaaday ayaa ah in dumarka da’daan ku jira ay tahay inay socdaan 7,500 oo tallaabo maalintii. Waxaa laga yaabaa in xitaa socodka badan uu kaa caawin karo cudurrada qaar.

Haweenka waqtiga badan socda waxay u badan tahay inay firfircooni jireed helaan noloshooda oo dhan, tanina waxaa laga yaabaa inay kordhiso rajada noloshooda. Socodka 10,000 oo tallaabo maalintii waa yool aad u wanaagsan. Hase yeeshee xaqiijiinta hadafkan ayaa mudan joogteyn.

Marka laga soo tago sheekadaan socodka u gaarka ah waxaa jira talooyin caafimaad oo dhaqaatiirtu ay u jeedinayaan bulshada, kuwaas oo la xiriira jimcsiga guud.

.

Talooyin jimicsi oo loogu talagalay dadka ay da’dooda u dhaxeyso 19-64 sano.

Isbuucii samee ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi fudud ah ama 75 daqiiqo oo jimicsi culus ah.

Samee jimicsiyo xoog leh oo qaata labo maalin ama ka badan isbuucii, kuwaasoo kala furfuraya murqaha.

Iska jooji fadhiga badan, beddelkiisana gali dhaqdhaqaaqyo sahlan.

Waa maxay Jimicsi fudud?

Socodka oo la boobsiiyo.

Dabaasha.

In baaskiil lagu kaxeeyo dhul siman iyo dhul xoogaa kor u kacsan.

Ciyaarta tennis-ka.

Buur-fuulista.

Kubbadda kolayga.

Iyo noocyada kale ee ciyaaraha fudud ah.

Maxaa ka mid ah jimicsiyada culus?

Rucleynta ama orodka.

Dabaasha degdegga ah.

In baaskiil loo kexeeyo si xawaare dheer ama in dalcad la saaro.

Tennis-ka halka ruux.

Kubbadda cagta.

Kubbadda Rugby-ga.

Iyo noocyada kale ee ciyaaraha adag.

Dalalka ay dhaqdhaqaaq-la’aanta heerka ugu sarreeya ka joogto ayaa kala ah:

Kuwait 67%

Sacuudiga 53%

Ciraaq 52%

Dalalka ugu hooseeya ee dhaqdhaqaaqooda uusan heer xun joogin waxaa ka mid ah:

Uganda iyo Mozambique 6%

Khubarrada ayaa dowladaha dalalkaas ku boorriyay inay dadaallo u sameeyaan sidii halistaas wax looga qaban lahaa.

Dr Melody Ding oo la shaqeeya jaamacadda Sydney oo isagu aan daraasaddan ka qeyb qaadan ayaa sheegay in diiradda la saaray sare-u-qaadista dhaqaalaha, taasina ay beddeshay hannaanka nolosha.

Dr Mike Brannan oo hoggaamiya hay’adaha u dhaqdhaqaaqa jimicsiga dadweynaha ee dalka Ingiriiska ayaa isagana ka dhawaajiyay in natiijada laga soo saaray daraasaddan ay muujineyso sida loogu jiro khatarta.