Writen by Qaran News |

In Xukuumadu Xaddidaa Xilliga Waa Xalka Tir-tiraya Tumashadii Ka Taaba Gashay Dalka’ Gaar ahaan Hargeisa.

• Go-Gol Xaadhka Qormada:

Adolf Hitler Ayaa Dagaalkii Labaad ee Dunida Duullaan Ku qabsaday Dalka Faransiiska. Intaa Kadib Ayuu Dadkii Dhamaan uu Isugu yeedhay oo isugu keenay barxada paris waxaanu U jeediyey Qudbad Saameyn weyn ku yeelatay Dalkaasi faransiiska oo Taariikhda Gashay wuxuu aad u canaantay Faransiiska Tumashadii badnayd ee ay ku jireen awgeed, Hadalkii Uu halkaa ka yidhi Ayaa hal-ku dhigan Dhiganta taariikhda galay Ee dalkaas ilaa haatan ka Damqado ee uu ku yidhi ahaa Sidan ( Reer Faransiisow intaad ku mashquulsanaydeen Cabbirka Naaska Hablaha anaguna cabbirka Dhuunta Qoriga ayaanu ku mashquulsanayn Waana Sababta Aan idiinka Guulaysanay)
Sideedaba Dhalinyaro ama Dad Haday tumasho iyo Tiyaayax ku Foogan yihiin Ma Horu maraan mana Hana Qaadaan.

1886-dii Waxaa la Asaasay Goobtii Ugu horeysay Ee Night Club kaasoo lagu magacaabo Webster Hall waxaana Laga Hir geliyey Gudaha maraykanka’ Sanado kadib waxaa la dhisay Meelo badan oo habeenkii lagay caweeyo’ Markii uu maraykanku Dareemay Inay tahay Wax aan faa’iido u lahayn anshaxa Bulshada Waxaa La mamnuucay Goobaha habeenkii lagu caweeyo’ kadib markii dadkii Hawshan ku fooganaa Dhulka hoostiisa ka sameeyeen Goobo lagu caweeyo waxay Dawladu Gacan adag ku qabatay Maamulidii goobahaasi Iyadoo Xadiday Wakhtiga Waxaanay Ka qaaday cashuuro xoogan Keliya ilaa maanta waxaa taga dhulkaas dad xun-xun Oo Cambaarysan, Waanay sii dabar-go’ayaan goobahaasi, Guud ahaan Dunida.
Hadaba maxaa inoo diiday inagoo bulsho 100% muslima Inaynu Xadidno oo xakamayno Xumaanteena, Maxay dadka Qaar Arinkaa u taageersanyihiin uguna Dhaliilayaan xukuumada’ Mise talow waxay Hog-seegsan yihiin Dareenkan U damqashada Dalkeena ee Xakamihii Xayada ka Xaydaya Xayntan Tumanaysaa iyo u Damiir bislaanta Diinteena.

• Gudo-Gal

Hargeisa Waxaa Beryahan Dambe Laga Bineeyey Hotelo Bilayaal ah oo Boqolaal Gaadhaya’ Kuwaasoo Bilic iyo Bidhaan Wanaagsan Kusoo Kordhiyey Muuqaalka Iyo Mitaawada Dalka, Se Waxaan Been ahayn In Hotelada Qaarkood Ku duuganyihiin Kuna Dahaadhanyihiin Arrimo Xumaan Iyo Xubeero ah’ Waana Goobo Tumasho, Faxsho iyo Fisqi badani Ka jiro, Waxaanay Si dadban U huwanyihiin Magaca Fool-xumada badan ee ( Night Club) ee Koobsanaya Meel-Lagu Tunto Oo Lagu Taqwo-iyo Toobad seegay.

Waxaa Jira Goobo Si Cad oo Aan Caad saarnayn Loogu tunto Anigoon Si Gaara Cid u beegsanayn una Bartilmaameedsanayn, Hadana Bulshadu Aad bay ugu Baraarugsanyihiin Goobahaasi.

Hoteladan Waxaa lagu isticmaalaa Qaybaha kala duwan ee Maan-dooriyayaasha, Rag iyo Dumarba iyadoo Laysku Dhex jiro, Laguna Tigaadayey Tiirarkii Diinteena ee Tilmaamayey Kala Taganaanta Dumarka iyo Raga, Hadaba Waxaa Hoteladaas Xumuhu Ka Tis-qaaday ee Caadiga iyo Caadada ka Noqday Ku Curdin dha-dhay Oo Ku Caar-Caaray Hablo Badan oo ahaa Cawlkeenii iyo Cisigeenii, Waxay Galeen Xabaasha Belwad-bariisinka Iyagoo Jiifsaday Iilka Xayo, xurmo, iyo Xeerin, La’aanshaha. Waxayna Ku mabeen Maal-qabeenada iyo Madax Badan Iyagoo Noqday shaxaadayaal Shilimaysato ah’ oo Sharaftoodii U Tolay Shaadhka Xishood-la’aanta.

• Fariinta Uu Xambaarsanyahay Qoraalku.

Waxay Xambaarsantahay Qormadani Taageere Xukuumadeed Oo Aan Shuruud Iyo Shaki lahayn.

Hadaba Caqliga Saliimka ah’ ee sida Salmiga ah u fekerayaa Waa Ka Taageeraya Muslima ahaan, Muxaafad ahaan, Mucaarad ahaan, iyo Muwaadin ahaanba. Mawqifkan Milgaha leh ee Xukuumadu Ka Dhawaajisay, Ee Xilli Xaddidka iyo Xumo-Xayiraada ah’ Isla markaana Lagu Bad-baadinayo Magoolka iyo Muraayada Qaranka Ee Maan-dooriyaasha Qabatimay ee Haatana Mugdiga Nololeed Fooda Daray.

Waxaan qabaa dadka Fikradan Kasoo Hor jeestaa inay yihiin Xumo kal-kaal Ceeb-Dugaashato ah’ Oo aan Dalka iyo Diintaba Lexo jeclo Ka Qabin isl markaan Damiirkoodu Qaydhinyahay

W/Q: Fadxi Garaad Ciise.