Writen by Qaran News |

Fadlan Somaliland! Inaga Daaya Wada Hadalka Muqdisho.

Maxay ka doonayaan dawlada Farmaajo wada hadalkeena ? Waxay rabaan oo kaliya inay ku buuxsadaan barnaamijka wax qabad ee doonayaan inay caalamka deeqda bixiyaa ku baadhaan. Somaliland kama laha dano kale oo siyaasadeed oon ahayn inay wiiqaan haykalka dawladnimo. Una ekaysiiyaan dawlad goboleed la xaal marinayo. Taa waxaa ka markhaati ah hadaladii ayka yidhaahdeen idaacadaha adduunkaa shirarkii hore u dhacay. Bal aan idiin tusaaleeyo, ninka nabada iyo heshiiska doonayaa sansaantiisa laga gartaa. Somaliland markii ay la hadlaysay Khaatumo lagama horgayn Ina Koore, iyo Wasiir Faratoon. Waxaa loo yeelay siday doonaayeen inay nabadu u dhacdo. Waxaa qaabilay wasiirkii dibadda ee SL . Turkigaa waxaa dhacday in Somaliland la soo horfadhisay wasiirkaa gudaha oo macnahalaha iskac cadahay. Marnaa la horkeenay dad Somaliland ka soo jeedaaa. Intaa waxaa dheer sidii ay ugu wacad fureen toban cisho gudahood xataa qodobaddii lagu heshiiyay ee arimaha hawada u daba marteeyeen.

Walaaahi waan naxay markaan maqlay Wasiir Sacad oo ku baaqayaa wadahadalkaa dawlada Farmaajo sii wadaan. Waxaan fahmi waayay goortaa ay baranayaan Federaalka Muqdisho. Ma umul baa iloowshiyo dhawaa.. Nin shalayto been kuu sheegay , berina waa suurtagal inuu been sheego. Ma garanayo waxay madaxdeenu ka doonayaaan Shirkan. Goormay dadka baranayaan . Miyaanay ogayn waxaa wacadkaa la yidhaahdo kuma jirto dhaqanka siyaasiyiinta koonfureeed . Caydiid iyo Cali Mahdi konton jeer bay isu dhaarteen ilaa Maka iyo Madiina isla tageen, markay soo noqdeen halkii bay ka miiseen. Siyaad Barre intuu Waqooyiga la heshiiyay buu hadana isku rogay iyadoo ergadii la socoto. Cabdullaahi Yusuf isaga oo SNM aan isku darsano leh, buu hadana hoosta Itooobiya ka dacwaynayay sidaa uu sheegay Shirkii Eldoret. Eega Youtube ( Abdullahi Yusuf Axmed.flv) . Cabdulqaasim intuu Hargaysaa yimi oo si wacan loo soo dhaweeyay, buu nacdalay Somaliland markuu madaxda noqday, uu ku tilmaamay jawaasiis xabashi . Turkigii waan aragnay wixii u sameeyeen. Khiyaamadaa waa qayb ka mid nolasha siyaasada meeshaas. Waxyaabaha qawlka,wacadka iyo balanta la yiraahdo kuma jirto buugooda. Siyaasiyiinta Somaliland ma jirto waxay kaga noqdaan shir ujadadiisu tahay ” publicity” . Oon Macno kale kale u lahayn . Hana ogaadaan wafdiga Somaliland ee la kulmi doonaa Federaalka inay beeno badan ka sheegi doonaan . Sidii ay uga sheegeen wafdigii hore ee u yidhaahdeen qaarkood way noo basaasayeen madaxdii SL.. Fadlan, ceeb waxaan ahayn kala kulmi maysaan.. Ka joogaa Ka joogaa . Ka joogaa. Ka Joogaa

Ahmed Mohamed
Vancouver, Canada.