Writen by Qaran News |


Maxaabiis Soomaaliyeed oo dalka India ugu xidhnaa falal budhcad badeednimo ayaa lagu soo waramayaa in 15 ka mid ah lasii daayay.

Ilaa 15 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xukunaa todobo sano oo xabsi ah ayaa waqtigooda u dhamaaday sida ay daabacday jariirada The Indian Express ee dalka India kasoo baxda.

Waxaa kaloo jira maxaabiis kale oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo tiradooda gaadhayso 27 maxbuus oo maalmo kadib heli doona xorriyadooda, maadama ay dhameysteen mudadii lagu xukumay.

Dowladda India ayaa qorsheyneysa in hal mar ay u duuliso Maxaabiistaas Muqdisho oo ay ugu sii gudbi doonaan Degaanadooda.

Dalka India ayaa ah dalka ugu badan ee maxaabiis Soomaaliyeed ay ku xidhan yihiin, kuwaasi oo loo haysto falal budhcad badeednimo, waxaana laga qabqabtay xeebaha Soomaaliya.