Dowladda Ingiriiska ayaan oggolaansho u siin Maraykanka in uu adeegsado saldhigyada milatari ee UK, si looga taageero duqeymo suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan, sida ay ogaatay BBC.

Maraykanku hore ayuu u adeegsaday saldhigga RAF Fairford ee gobolka Gloucestershire iyo Jasiiraada UK bannaanka ku leedahay ee Diego Garcia si uu u fuliyo hawlgallo ka dhacay Bariga Dhexe.

Wargeyska The Times ayaa sheegay in dhaleeceyntii ugu dambeysay ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsanayd heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ee wareejinta Jasiiradaha Chagos lagu wareejiyey Mauritius sida ooo kalena lagana kiraynayo saldhig wadajir ah oo UK–US ah oo halkas, ay ka dambeysay markii UK ay diiday oggolaanshaha adeegsiga saldhigyada.

Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa yiri: “Sida caadiga ah, kama faalloonno arrimaha hawlgal khuseeya.”

Maraykanku wuxuu cadaadis ku saarayaa Iiraan inay oggolaato xaddidaadda barnaamijkeeda nukliyeerka, isaga oo ku hanjabay duqeymo haddii aysan sidaas yeelin, isla markaana u raray Bariga Dhexe maraakiib dagaal, diyaarado iyo qalab kale, si uu ugu diyaar garoobo suurtagalnimada weerar dhici kara.

Isla mar ahaantaana, warar ayaa sheegaya in horumar laga sameeyay wadahadallada u dhexeeya wafdiyada Maraykanka iyo Iiraan ee ka socda Switzerland. Khamiistii, Trump wuxuu sheegay in dunidu ogaan doonto “10-ka maalmood ee soo socda” in heshiis la gaadho iyo in kale ama tallaabo milatari la qaadayo.

Afhayeenka dowladda UK ayaa isna sheegay: “Waxaa socda geeddi-socod siyaasadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, kaasoo UK ay taageerayso. Iiraan waa inaysan waligeed awood u yeelan inay horumariso hub nukliyeer ah, mudnaantayaduna waa amniga gobolka.”

Starmer ayaa kula hadlay dhanka Telefoonka Trump Talaadadii, kaddib markii dowladda Maraykanku si rasmi ah u taageertay heshiiska Chagos. The Times ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qorshaha Trump ee ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyada oo Trump uu maalintii xigtay dhaliilay heshiiska Chagos.

Bbcsomali