“Innagu hadda uma jabaaweyno ninkan ee horta aynu meydka aasano”
Cali yare Cali oo ka hadlay hadalkii wasiir Koore
“Marnaba kama aynaan fileeyn, mana aheyn dhaqankii qiimaha iyo macnaha lahaa ee walaalaheen Somaliland ee meydka caruurta iyo hooyooyin cadowgu xasuuqay ay ku tilmaamaan ayax iyo kaneeco.
Innagu hadda uma jabaaweyno ninkan ee horta aynu meydka aasano – inta ka horreysana waxaan sugi doonnaa waxa ay bulshada walaalaheen ah ee reer Somaliland sida dowladda gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Xisbiga uu ka tirsanyahay, beesha sharafta iyo dhaqanka leh ee uu ka dhashay, Indheeradka iyo si gaar ah dhallinyarada walaalaheen ah ay ka yiraahdaan warkaan gefka ah ee hareermarsan dhaqanka, ilbaxnimada, walaalnimaddii iyo hilibkii iskugu keen yaal.”
May be an image of 2 people